Wasiirkii kalluumaysiga Puntland Eng Maxamuud Xaaji Saalax oo iska casiley xilkii ( Sababta)

 


Wasiirkii wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Eng Maxamuud Xaaji Saalax ayaa caawa iska casiley xilkii uu ka hayey xukuumadda Puntland.


Eng Maxamuud Xaaji Saalax ayaa sheegay inuu xilka iska casiley kadib markii ay madaxweynaha isla fahmi waayeen shaqada wasaaradda iyo qaabka loogu adeegayo bulshada Puntland.

Warqad Ayaa sidan u qornayd


Ku: Madaxweynaha Dawladda Puntland

Ujeedoo: Iscasilaad

Mudanene Madaxweyne, Anigoo ah Eng Maxamuud Xaaji Saalax waxaan halkaan kuugu soog gudbinayaainaan iska casilay Xilka iyo masuuliyadda aan shacabka soomaaliyeed ee Puntland u hayay ee ahayd Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Maadaama aan isla fahmi waynay nidaamka shaqo ee aan Wasaaradda Kalluumaysiga Puntland ku hagi lahaa, mudadii aan xafiiska joogay.

Sidaas darteed, mudane waxaan rajaynayaa inaad aqbali doonto iscasilaadayda, waxaana u rajaynayaa shacabka iyo Xukuumadda Puntland Nabad, Barwaaqo & horumar. Mahadsanidin

Eng Maxamuud Xaaji Saalax Wasiirka Wasaaradda Kakuureysiga lyo Khayraadkadka Badda Puhtland «
Developed by Jago Desain