CIIDAMADA PUNTLAND OO KALA DHEX-GALAY BEELO KU DAGAALLAMAY DEGMADA ISKU-SHUBAN

 


Cutubyo ka tirsan Ciidamada dawlad goboleedka Puntland ayaa saaka oo Axad ah si rasmiya ula wareegay  degaanno ku yaal miyiga degmada Isku-shuban halkaas oo ay shalay ku dagaallameen laba beelood.

Ciidamada Puntland ayaa kala dhex-galay labada dhinac oo dagaallamay waxaan ay fariisimo ka samaysteen dhulka miyig ah oo colaaddu ka aloosnayd.

Saraakiisha hoggaaminaysa Ciidankaas waxa lagu amray in ay hirgeliyaan xabad-joojin hordhac ah islamarkaana la socdaan dhaqdhaqaaqa malayshiyaadka dagaallamay.

Sidoo kale, waxa socda dadaal ay hormuud u yihiin odayaasha dhaqanka kaas oo lagu doonayo in nabad la dhex-dhigo beelaha colaaddu dhexmartay.

Xaaladda dhulkii lagu dagaallamay shalay ayaa saaka deggan waxaana gacanta ku haya ciidamada maamul goboleedka Puntland.


Developed by Jago Desain