Mahdi M Guuleed oo soo dhoweeyey qorshe ay wadaan Axmed Madoobe iyo Siciid Deni.

 


Madaxweynayaasha dowladaha Jubbaland iyo Puntland ayaa xalay kulan gaar la qaatay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Wararkii ugu dambeeyey aannu ka helayno kulamadaasi ayaa sheegaya in kulanka oo saacado qaatay looga hadlaayay xalinta tabashooyinka ka jira kuraasta Somaliland iyo sidii labada dhinac ugu heshiin lahaayeen Guddiga maamulaya doorashada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda xil garsiinta ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed ayaa tilmaamay in Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni uu uga mahadceliyay dadaalada ay ugu jiraan xal ka gaarista arrinta kuraasta deegaamada Somaliland.

Is fahamkii Magaalada Baydhabo ka dhacay 16-Febraayo ee sanadkaan 2021 ayaa la isla gartay in xubnaha guddiga doorashada Somaliland ay kala qeybsadaan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Developed by Jago Desain