Boogaha Iyo Nabarrada Cudurka Macaanka Iyo Sida Loogula Tacaali Karo Malabka

 


Waa maxay Nabraha ama Boogaha Macaanka?- Dadka qaba cudurka macaanku waxay u nugul yihiin in ay yeeshaan nabarro ama boogo badanaa ku samaysma lugaha iyo cagaha hoose ee jidhkooda. Sababaha arrintaas ka dambaysaana waa in macaanku uu yareeyo dareenka lugaha taasina ay keeni karto in qofku si sahlan uu dhaawac isku gaadhsiin karo isagoo aan dareemin oo uu ku baraarugo muddo ka dib in lugtiisa ay boog ama nabar yeelatay. Sida aan wada ognahayna caguhu waa meelaha jidhka ugu jeermis badan, hadduu nabar gaadho way sahlan tahay in jeermisku uu ku faafo, nabarkuna uu sii qodmo taasoo keeni karta in infekshankaasi jidhka qeybihiisa kale u gudbo ama xubintu ay dhimato kadibna la gooyo.


Midda kale ee muhiimka ahi waxay tahay in nabarrada macaanku aanay dhakhso ku bogsanin maadaama cudurka sonkortu uu saameeyo xididdada yaryar ee cagaha iyo lugaha gaadhsiiya qulqulka dhiigga, hadduu meeshii dhiig fiican soo gaadhaynin, inuu qofku bogsadaa muddo ayay qaadanaysaa. Waxaa intaa ka sii daran, haddii meeshu nabar ay yeelato, jeermiskii si xad dhaaf ah ayuu ugu tarmayaa maadaama bakteeriyadu ay helayso dheecaan macaan oo sonkor leh, bakteeriyuna way jeceshahay wayna quudataa sonkorta. Intaas oo la isku daray waxay keentaa dhibaato in muddo ah dhakhaatiirta wareerisay in nabarradu aanay si sahlan ku bogsanayn, xitaa haddii daawo qallajiyayaal ah la qaato, bakteeriyadii wax aad u wayn ka tari mayso. Dhayidda nabraha macaanku waxay qaataan dhowr bilood si qofku uu uga raysto, waa haddii lagu guulaysto in daawadu ay nabarka? wax ka tarto.

Awoodda Jeermis Dilidda Malabka:

Malabka in muddo ahba waa la ogaa in awood jeermis dil cajiib ah uu ilaahay ku abuuray, cilmibaadhisyo aad u badan lagu sameeyayna waa lagu arkay in jeermis dilis kaliya aanay ahayn laakiin nabarrada bogsashadoodana uu dadajiyo. Waxay faraaciintii hore meydadka boqorradooda ku xafidi jireen malabka, isagoo aan is badalin ayuu meydku boqollaal sano ku dhex jiri jiray naxash weyn oo malab laga buuxiyey oo ay ugu talagaleen in meydadka lagu xifdiyo, taasi waxay cilmibaadhayashu ka tilmaansadeen in malabka uu jeermis walba noocay ahaataba uu ka adag yahay. Laakiin iyadoo taasi jirto, weli malabku ma helin ogolaansho ay dhakhaatiirtu u adeegsan karaan in ay ku daaweeyaan cudurrada jeermiska bakteeriyadu ay keento.Waxaa intaa sii dheer in shirkadaha daawooyinka sameeya oo maalin kasta faa’ido balaayiin lacago dollar ah, wax kasta oo looga maarmi karo daawooyinkooda dagaal culus ayay diyaar u yihiin in ay la galaan iyagoo adeegsada awood siyaasadeed, awood warbaahin, awood bahdilid iyo awood cabsi galin iyagoo ka cabsiiya dhakhaatiirta haddii ay qoraan wax aan la ansixin in ay ku waayi doonaan liisanka dhakhtarnimo ama ka cabsiiya dadweynaha in ay halis tahay in la adeegsado daawooyin aan la ansixin.

Dhakhtar Ahaan Maxaa Kula Gudboon:

Maadaama aynu nahay dad muslimiin ah wixii aan daliil dhinaca diinteenna u heysano inuu caafimaad leeyahay isaga ayaan kaga kalsooni badan nahay wixii cilmibaadhis lagu ogaado, laakiin wixii ka soo hadhay oo kiimiko ama daawo dhireed ah ma diidanin in baadhitaan la marsiiyo kadibna marka la isku waafaqo inaanay dhib lahayn oo la adeegsan karo in aan bukaanadeena ku daaweyn karno.

Isbabardhig: Daawada Kiimikada Iyo Malabka:

Maadaama aan ka soo hadalnay awoodda malabka uu ilaahay siiyay inuu jeermis walba ka adag yahay, waxaa cilmi ahaan soo muuqatay caddaymo aan la diidi karin oo aan laga indha daboolan karin, taasoo dantu ku qasabtay shirkadaha ama dhakhaatiirta qaar in laga ogolaado Cisbitaallada in loo isticmaalo ku daaweynta nabarrada sonkrota maadaama ay daawooyinkii kale ku fashilmeen. Laakiin taasi macnaheeda ma aha in ogolaansho loo helay in malabka lagu daaweeyo nabar kasta, maadaama weli daawooyinkii kiimikada ahaa aynaan kala quusan nabrrada kale!!.

Laakiin waxa mucjisada ah ee la filanwaaga noqotay ayaa waxa ay tahay, maadaama macaanka dhibkiisu uu yahay sonkorta jidhka ku badatay, qofkii macaan qabana laga ilaaliyo wixii sonkor leh oo dhan, sidee malabka oo aan ognahay inuu macaan yahay loogu daaweyn karaa nabraha ka dhasho cudurka macaanka?! Waxa la filanaya waa inuu nabarku ka sii dari doono oo sii buqbuqdi lahaa lahaa?. Laakiin taasi ma dhicin oo waxaa dhacay wax cajiib ah oo aad loola yaabay, waxaa la arkay nabarkii inuu qallalay, nadiif noqday, maalmo ka dibna boogtii ay ururtay oo hilib nadiif ah soo galay, laba illaa sadax usbuuc ka dibne nabarkii wuu wada bogsaday isagoo aan yeelan wax haaro ah ama tilmaamaya in meeshani ay boog ahaan jirtay. Arrintaasi waa arrin qofkii aan rumeysneyn eebe iyo awooddiisa caafimaad ee malabka ka fajacin karta, maxaa yeelay arrintani waa wax khilaafsan miisaankii iyo aqoontii ay dhakhaatiirtu wax ku qiyaasan jireen.

Waxay dhakhaatiirtu ogaayeen in nabarrada uu macaanku keeno ay badanaa u dambayso in suulka ama farta boogta yeelatay in la jaro, haddii jariin ay ka badbaadana in bogsashadeedu ay qaadato in ka badan 6 bilood, waxay kaloo ogaayeen in markasta oo nabarka macaanka la dhayo inuu xoqitaan ama hoolis joogto ah u baahan yahay si unguyada dhintay looga saaro meesha, waxay kaloo ogaayeen in nabarku markuu jeermiska ka dhinto xitaa in maqaar lagu talaalo meesha boogta ah ay qasab tahay. Cilmibaadhis isa soo tartay kadib iyo arrintii oo noqotay wax aan la hor istaagi karin, waxay shirkadihii loollan kulul u galeen in malabka ay daawo ahaan u ansixistaan in loo isticmaali karo nabraha sonkorta iyo nabraha ku sameysma dadka sariiraha saaran ee naafada ah.

Shirkadii ugu horeysay oo ku guulaysatay in loo ansixiyo malabka waxay ahayd sanadkii 2007.

Tijaabadayda Gaarka Iyo Waxii Aan Ka Faa’iiday:

Waxaa isoo martay dhowr xaaladood oo 5 ka mid ah ay ahaayeen dad hore looga soo jaray faraha lugaha qaar ka mid ah ama iyaga oo dhan, waxay lahaayen boogo isugu jira kuwa cusub iyo kuwo raagay oo u badanaa suulasha hoostooda, faraha qaarkood iyo cagta hoose. Waxay qaarkood la soo tacaalayeen boogaha lugahooda ku yaalla muddo bilooyin ah iyagoo timaamay in ay soo isticmaaleen daawooyin aad u badan oo isugu jiro irbado iyo daawooyin loogu talagalay in lagu dhayo nabarrada oo waxtarkoodu aanan la tilmaami karin. Ilaahay mahaddii, kulligood way ku bogsadeen ku daaweyntii malabka inkastoo ka bogsashada ay ku kala duwanaayeen, qofkii ugu dheeraa wuxuu qaatay 53 maalmood gudahood.

Talo Ku Socoto Dhakhaatiirta Iyo Kalkaaliyaasha:

Waxaan kula talinayaa dhammaan dadka la tacaala bukaannadan leh boogaha ay sonkortu keentay in ay adeegsadaan malab saafi ah haddii ay heli karaan iyagoo aan fiirin faa’iidada ay ka heli jireen daawooyinkii ay dhaymaha u isticmaali jireen iyo kuwii qallajiya ahaanta ay u siin jireen bukaanadooda. Waa inaad ilaalisaa shuruudahan soo socdo haddii aad rabtid in bukaankagu uu dhakhso u bogsado:

1- Inta aadan isticmaalin marka ugu horreysa waa in aad nabarka nadiifisaa oo wixii qashin ama unguyo dhintay ka saartaa “debridement” oo marka uu fresh noqdo oo dhiig nadiif ah ka yimaado ka dib ayaad malabka ku shubi kartaa hadduu nabarku uu yeeshay god ama dalool kadibna aad baandhayjka ku daboolysid ayaa malabka marinaysaa waad ku duubaysaa.

2- Dhaymada caadiga ah waxaa lagula taliyaa qofka inuu maalin dhaaf ama labadii maalmood uu dhaymo u yimaaddo, laakiin malabku wuxuu u baahan yahay in la sugo 5 maalin illaa 7 maalmood.

3- Badanaa markuu bukaanku kuu soo laabto inkastoo ay ku xidhan tahay heerka nabarkiisa uu marayay markii horeba, laakiin badanaa nabarkoodu wuu qallalan yahay oo dheecaan ma yeeshaan, haddii uu nabarku nadiif yahay, waxba maydhi maydhis baandhayjka iyo walxaha lagu duubo goobta nabarka ah, waad ka baddalaysaa malab cusubna waad ku shubaysaa.

4- Waa muhiim in qofku aanu xidhan kabo buudh ah ama si kale u daboolan inta nabarku uu ka bogsanayo, sidoo kale waa in aanu kabaha xidhan dhowr saacadood oo xidhiidh ah, waxaa kaloo muhiim ha in baandhayjka lugta ku daboolan laga ilaaliyo qoyaan iyo wasakh in ay gaadho, waa in aanu qofku cagaag ku soconin.

4- Intaa ka dib waxay ku xidhan tahay heerka bogsadhada nabarku uu marayo iyo dhaymada inta loo dhaxaysiin karo. Ogow in aad isticmaasho malab saafi ah, haddii nabarku raysan waayo waa in aad ka shakidaa maabka aad isticmaalaysid iyo qaabka aad u dhayaysid, ha hilmaamin in nabarku uu nadiif noqdo inta aanad malab ku shubin.


DIGNIIN: Fadlan Xabaasuudda Ha U Isticmaalin Nabraha Iyo Boogaha Oo Idil Maxaa Yeelay Inkastoo Jeermiska Ay Dilayso Laakiin Nabarku Wuu Sii Qodmayaa, Xabaasuuddu Waxay U Fiican Tahay Jugta, Dhaawaca Murqaha Iyo Bararka Kalagoysyada Xanuunka Laakiin Nabraha Furan Ha Ku Shubin Hana Marin.

Developed by Jago Desain