Sacuudiga oo Sanadkii Labaad Xajka Ka Hakiyay Xujeyda Ka Imanaysa Dunida

 


Wasaaradda Xajka iyo Cumarda Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in sanadkan ay xajin doonaan kaliya 60.000 oo qof kuwaas oo ku sugan gudaha Sacuudiga.


Xujeydaas ayaa shardi looga dhigay in ay qaataan tallaalka xanuunka Covid-19. Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay in xujeydu ahaadaan kuwa aan qabin xanuunnada aan laga bogsoonin oo da’dooduna ay u dhexeyso 18-65 sano.


Go’aankan ayay wasaaraddu sheegtay in uu yahay mid ku qottoma mid kamid ah ah ujeeddooyinka shareecada oo ah ilaalinta nafta aadanaha.


Qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay dadaal badan ku bixisay sidii ay u fududeyn lahayd adeegyada lagama maarmaanka u ah xujeyda iyada oo tobankii sano ee la soo dhaafay u adeegtay 150 milyan oo xaaji.

Soo koobidda tirada xujeyda ayay wasaaraddu marmarsiyo uga dhigtay in isu imaanshiyaha dadweyne ay ka dhalan karto halis uu xanuunka Covid-19 ku dhex fidi karo xujeyda.


Waa sanadkii labaad ee dadka daneynaya in ay ka soo xajiyaan dalalka dunida ay ka baaqadaan xajka sababo la xariira xanuunka Covid-19 iyada oo dalka Sacuudiga gudihiisa ay ka xajiyeen 10.000 oo qof oo kaliya.


Ka hor intii aanu dunidu ku faafin xanuunka Covid-19 dalka Sacuudiga ayaa sanad walba marti gelin jiray malaayiin xujeey ah oo ka kala iman jirtay dacallada dunida.

Developed by Jago Desain