Maamulka Degmada Baargaal oo kormeer shaqo ugu baxay tuulooyinka iyo miyiga hoosyimaada degmada

 

Socdaal isugu jirey Kormeer shaqo , & u kuur galid xaalada deegaanada miyiga ah , iyo  hawlgal lagula dagaalamayey nabaad guurinta dhirta & gubista dhuxusha iyo ugaadha ayaa Maamulka Degmada Baargaal ku tageen magaalooyin & tuulooyin hoos yimaada Degmada Baargaal.

wafdiga oo isugu jiray qaybaha Maamulka Sida laamaha Amniga , iyo Maamulka Degmada Ayaa waxaa Hogaaminaayay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Mudane Cabbane Caynab Muuse  waxayna Booqasho Ku tageen Deegaanada  Kala Ah 

1.Gondoli
2.Salaaximo
3.jeceel
4.waxara lasye
5.adinamaale
6.war war

oo ah meelaha dhuxusha laga shido

Gudoomiyaha degmada Baargaal mudane cabbane caynab muuse ayaa sheegay inay ay jiraan gudiyo kadhisan goobahaas oo la shaqeeya maamulkuna uu dusha kala socdo

gudoomiye Cabbane ayaa sheegay in ay sidoo kale jiraan shirar ay magaalooyinka ku qabteen intay kor meerkan ku jireen oo ay bulshada kala hadleen si loo xoojiyo iskaashiga ka dheexeeya maamulka iyo kala xog qaadashada  iyadoo lagu balamay in la joogtooyo shirarkaas oo la qabto bishiiba hal mar 

Developed by Jago Desain