Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Puntland oo magaalada Bosaso ka Furtay shir dibu-heshiisiin



Bosaaso August 30,2021:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqradiyeynta, ayaa magaalada Bosaso ka Furtay shirka dibu-heshiisiinta beelaha Bah-Artable Ismaaciil Saleebaan iyo Aadan Abdirahman Siwaaqroon.

Qabashada Shirkaan ayaa ku yimaaday codsi uga yimid Wasaaradda Arrimaha Gudaha labadda Beelood oo wallalahaa oo muddo ka jiray khilaaf ka bilawday wax qaybsiga khayraadka, Deegaanka waxaana khilaafkaas ka dhashay dilal iyo aano qabiil isu badalay.


Madasha shirka waxaa ka sooo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay, Senotor Abdisamad Yusuf Abwaan, Gudoomiya Gobolka Gardafuu- Muuse Salax Guuleed, Duqa Dagmada Bosaaso Ahmed Ismail iyo Agaasimaha waaxda maareynta masiibooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Cawil Bulle, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ugu horeyn madasha shirka waxaa hadalo kasoo jeediyay kana hadlay muhiimadda Gobasha Nabaddeynta Suldaan Maxamad Muuse iyo Nabadoono labada dhinac ka soo wada jeeda.

Dhanka waxaa isna madasha shirka ka hadlay
Agaasimaha Waaxda Nabadaynta iyo Dibu-heshiisinta isagoona sheegay ujeedka iyo hadafka laga leeyahay shirkan oo ah in la dhameeyo dhammaan tabashooyinka labada beelood, sheegayna qabsoomidda shirkaan inuu qayb ka yahay siyaasada Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dedaalada dhismaha dawladnimo heerka goleyaasha deegaanka.

Ugu danbeyn shirka waxaa si Rasmiya u Daah furay Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arriamaha Gudaha, Maxamed Ahmed Kullan, isagoona labadda Beelood ka codsaday in madasha shirka lagu soo afjaro dhamaan wixii khilaafaad ka dhex taagnaa labadda Beelood.

xigasho : Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland

Image_Alt_Here Image_Alt_Here Image_Alt_Here Image_Alt_Here
Developed by Jago Desain