Wasiirka Qorsheynta XFS oo dhagax dhigay mashaariic laga hirgalinaayo Dhahar

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa dhagax dhigay goob loogu talagalay garoon diyaaradeed oo qeyb ka ah mashruuc horumarineed

 


Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS Jamaal Maxamed Xasan ayaa dhagax dhigay goob loogu talagalay garoon diyaaradeed oo qeyb ka ah mashruuc horumarineed oo ay yeelaneyso magaalada Dhahar.

Wasiirka oo ku sugan magaalada Dhahar, ayaa sido kale dhagax dhigay xarumo waxbarasho,isagoo dhinaca kale bilaabay qorshaha dhameystirka dhismaha garoonka kubadda cagta ee magaaladaasi.

Dhagax dhigga garoonkaasi oo ay ka qeybgaleen maamulka magaalada Dhahar,ayaa imaamanaya xilli kooxo khuburo ah ay  soo gabagabeeyeen sahminta goob muhiim ah oo u qalanta garoon diyaaradeed.



Developed by Jago Desain