Puntland oo war kasoo saartay go’aankii ay ku dhawaaqday ICJ

Madaxweyna ku xigeen dowlad goboleedka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Ummadda Soomaalyeed ugu go’aanka k

 


Madaxweyna ku xigeen dowlad goboleedka Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Ummadda Soomaalyeed ugu hambalyeeyay go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Adduunka ee ICJ ee Soomaaliya loogu xukmiyey dhul badeedkii mudada dheer Kenya muran galisay waxaana uu yiri 

“Waxaan Rabbi mahadiis ah go’aanka taariikhiga ah ee guusha u wada ah dhammaan ummada Soomaaliyeed, anoo ku hadlaya magacayga, kan Dowladda iyo kan Shacabka Puntland waxaan boggaadinaya go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Adduunka ee ICJ”.


Madaxweyna ku xigeen Puntland ayaa adkeeyey siday ay waajib u tahay illaalinta badda, berriga iyo hawada Soomaaliya, asagoo sheegay in ka maamul ahaan ay u taagan yihiin aragtidaas “ Badda, Berriga iyo Hawada Soomaaliya illaalinteeda iyo sugiddeedu waa waajib lama taabtaan ah oo ay tahay inay wada illaashadaan Soomaali oo idil, ka Puntland ahaanna markasta waa aragti aan u taaganahay. Waa dharaar farxadeed maalinta xuska Calankeenna iyo go’aanka muddada soo socday ee ka soo baxay ICJ waa dhacdo masiireed oo aan la hilmaami doonin

Developed by Jago Desain