HAY’ADDA PSF OO ISU DIYAARINAYSA XIL-WAREEJIN SHURUUDAYSAN

Dhinaca PSF inkastoo aysan weli ka tanaasulin go’aankoodii hore, haddana waxa u qarsoon xil-wareejin shuruudaysan,



Dowladda iyo hay’adda PSF, midna weli kama tanaasulin go’aankiisi hore, islamarkaana ma jiro wax wada-hadal ah oo dhexmaray labada dhinac.

Labada dhinacba way ka baxeen goobihii ay isku hor-fadhiyeen, inkastoo dowladdu weli ciidamo ku daabulayso magaalada Boosaaso.

Abaabulka ciidan ee ka socda dhinaca dowladdu, waa mid ku kooban cadaadis oo keliya, balse aan la xiriirin xiisad dagaal, siday ay sheegayaan dad lagu kalsoonyahay.

Dhinaca PSF inkastoo aysan weli ka tanaasulin go’aankoodii hore, haddana waxa u qarsoon xil-wareejin shuruudaysan, haddii wada-hadal bilowdo sida aan xog hoose ku helnay.

Waxa xusid mudan in madaxweynuhu u socdo Boosaaso si loo xalliyo is-marin-waaga taagan loona sameeyo xil-wareejinta.

Developed by Jago Desain