Kulamo xal loogu raadinayo Dagaaladii Ka dhacay Boosaaso oo ka socdo garawe.

 


Magaalooyinka garoowe iyo boosaaso ayaa waxaa ka soconaya kulamo xal nabadeed loogu dhammeynayo colaadda ka taagan magaalada boosaaso kaddib markii halkaas ay ku dagaalameen ciidamada puntland iyo kuwa PSF ta.

Isimada waxgaradka iyo siyaasiinta reer puntland oo ay ugu hooreeyaan madaxweynayaashii hore ee soo maray puntland iyo reysal wasaarihii hore ee soomaaliya cumar cabdirasiid cali sharma,arke ayaa gogol nabadeed dhigay magaalada boosaaso kaddib markii ay la kulmeen marka hore madxweynaha puntland siciid cabdullaahi deni iyaga oo dhanka kale kulan la qaadanaya taliyaha PSFta maxamuud cisman diyaano si loo dhammeeyo colaadda taagan.


Warar soo baxay ayaa sheegaya in inta badan la xaliyay tabashadii ka dhalatay xil ka qaadista taliye diyaano iyada oo haatan loo gudbayo qeybaha ugu dambeeya ee xal raadinta.

Maalmaha soo aaddan ayaa la tilmaamay in lasoo afmeerayo nabad u raadinta colaadda boosaaso iyada oo labada dhinac kala saxiixanaya heshiisyo nabadeed

Developed by Jago Desain