WARARKII U DAMBEEYAY EE KHILAAFKA PSF IYO XUKUUMADA

Saraakiil ka tirsan hay’adda PSF ayaa Puntland Post u sheegay in Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaan uu xilka wareejin doono. Saraakiishu waxay sheegeen

 




Saraakiil ka tirsan hay’adda PSF ayaa Puntland Post u sheegay in Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaan uu xilka wareejin doono.

Saraakiishu waxay sheegeen, in uusan weli jirin wax wada-hadal ah oo dhexmaray dowladda iyo Agaasimaha, balse ay jiraan xiriiro dhexmaray isaga iyo Saraakiisha Maraykanka

Saraakiisha ayaa ka soo xigtay Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano in ay dhammaatay arrintii u dhexaysay isaga iyo dowladda.

Dhinaca kale, qaar kamid ah Isimada oo dhex-dhexaadinayay dowladda iyo PSF ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda la kulmaan dhinaca hay’adda PSF.

Isimada ayaa shalay Boosaaso kula kulmay mas’uuliyiinta dowladda oo ay ku jiraan wasiirka Amniga Cabdisamad Gallan Taliyaha Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Mukhtaar Jeyte.

Developed by Jago Desain