FARIIMO JACAYL OO MURUGO BADAN - MAXAAN KUU JECLAADAY

 


Waxaad ogaatay in aan ku jeclahay, blse ismaadan weydiinin sababtaan kuu jeclaaday, taasina waa sababta aad marwalba u sababsato dhaawaca qalbigeyga

Waxaan isku dayay marar badan in aan kugu dhaho iga daa dhaawaca aad qalbigeyga u geysaneyso waan danqanayaa blse markasta waxaan xasuusan jiray in aan ku jeclahay

Dadka qofkaad is barataan waad u dabeecad wacan tahay, blse aniga oo agtaada farxad ka soo doonta waad igu dabeecad xun tahay, oo indha aad igu aragtidba ma qabtid

Maxaan kaa galabsaday oo sidaan iigu galeysaa, ma jaceylkaan kuu qaaday ayaa dambi ahaa, mise adiga ayaanan u qalmin jaceylka aan kuu qabo

Blse maanta kadib ma heli doontid cid kaa fikirta ama wehel kuu noqota sababtoo ah aniga markii aan kaa fogaado meel dheer markaan tago ayaad ogaan doontaa waxaan kuu ahaa ama sidaan kuu jeclaa

Aduunyada la yaab malahan markaad aragto lamaanahaagii aad farxada ka soo doonatay blse aadan ka heleynin wax dhoola cadeyn ah waxaad ku faraxdaa markaan nolol mugdi galo, xusuusnoow maanta waan tagaye

Ilmada aad indhaheyga ka keentay waxaa xaqiiqo ah in ay kugu noqon doonto holac noloshaada bur-buriya, sidaan kuugu hagar baxay iigu maadan hiilinin

Maalin waad i tabi doontaa waliba isoo raadin doontaa ogoow in aan nin kale xaaskiisa noqday, soo raadinteydana waxba waqti ha isaga lumin doorashadeyda ayaa qaldaneyd

Hadaad moodeyso qalbi si dhab ah kuu jecel dhaawiciisa in aad guul ku gaari karto, dadkii qiyaanada badnaa ee kaa horeeyay dib u raac noloshooda halka ay ku dambeyso, adigana sida kuwaas ayay noloshaada noqoneysaa

Jaceylka dambi maahan blse adoo kale ayaa dambi ka dhiga oo dhalinta u suurad xumeeyo xaqiiqda waxey tahay nolosheyda murugada aad gelisay waa sooyaal meel kuugu yaal, noloshaada dambe ayaad ka arki doontaa

Balan iga qaad waana tii ugu dambeysay in aad ii fuliso ayaan kaa codsanayaa waxeyna tahay waligaa qof kugu aaminay qalbigiisa hadiyad ahaan kuu siiyay haka dhaawicin hadii kale dadka dani waxey ku kalifeysaa in ay ka aamin baxaan jaceylka una arkaan cadow

WALIGAA QALBI KU AAMINAY HA QIYAAMIN

Developed by Jago Desain