GABAY JACAYL AH

 

WAXAAN HALKAAN IDIINKU SOO GUDBINAYAA GABAYO KA HADLAAYA  JACEYLKA IYO WAXA UU YAHAY ,


GABAYGA UGU HOREEYA WAXAA UU NOQONADOONAA :

SAYNAB WAA HELIYEE

Gabaygaan jacaylka ah waxaa tiriyey abwaab aan magaciisu nasoo gaarin se ahaa nin jeceylka aad ugu xeel dheer sida gabaygiisa ka muuqata ee aad arki doonto waxa uu ku bilaabay sidatan ;

Saalaxoow adaa soconayoo qaatay salabkiiye

Salaama allayeeyow hadaad saaxil nabad gaadho

Sawd yar aan ku faro iiga gee saynab waa heliyee

Saqda dhexe habeenkii hurdada waa ka salalaa dheh

Soortana ma cunno aawadaa saa’im saan ahayn dheh

Saddax goorta aan qaado ayaan subax quraacdaa dheh

Waxaan sararo weynaa beryahan samay ka dhuubnaa dheh

Saraawiisha waa iga bateen igu sameysnaa dheh

Hadba aniga oo soconayaa sare u qaadaa dheh

Salaam qudha hadaad soo dirtoo , subax la ii keeno

Adiga oo ila fadhiya kama sokeyseen dheh

Gabayga ku xiga waxa lagu magacaabaa :


    2. Samiroo dulqaado


Sidee daba aduun yadu

waa saacad qura oo

marbay kuu samaataa

marna way sir gaxantaa

siduu saadir kuu qaray

yay saani noqotaa

ruuxku siray ma fiinee

hasaluugin noloshoo

ha sahwiyin jecelke

samiroo dulqaado

samaantiyo xumaantuba

waa labo siraadoo

ruux kastaaba sugayoo

loo wada samays mee

Naftu saad kayeeshay

Hadba saad ka dhigatay

Dadku kuu sawirayaan

Adigaa jaceylkiyo jinigaba u yeertee

Adigaa jajuubkiyo jilibkaba samaystee

Adigaa jidkii iyo jihadii ka leexdee

ruuxku siray ma fiinee

hasaluugin noloshoo

ha sahwiyin jecelke

samiroo dulqaado



Developed by Jago Desain