Barcelona oo ku dhawaaqi doonto saxiixa Jules Kounde

Barcelona oo ku dhawaaqi doonto saxiixa Jules Kounde

 


Barcelona ayaa u muuqata mid qarka u saaran inay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga daafaca Sevilla ee Jules Kounde si ay si qarsoodi ah xiddiga ugu shaaciyeen website-kooda.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay in uu ka tagayo kooxda Sevilla suuqa xagaagan iyada oo Barcelona saxiixa xiddiga kula tartamayso kooxda chelsea.

Bilowgii bishan Kounde ayaa u muuqday mid ku dhawaa ku biirista kooxda chelsea kadib markii ay Chelsea iyo Sevilla ka heshiiyeen qiimo lacageed oo dhan 55 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa iska diiday ku biirista kooxda Barcelona isaga oo doortay in uu sii joogo La Liga kuna biiro kooxda Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaan wali xaqiijin in ay Sevilla kala heshiisay saxiixa xiddiga Kounde laakiin waxa ay u muuqdaan in ay xiddiga ku shaaciyeen Website-kooda.

Wesbite-ka Barcelona ayaa lagu shaacinayay Lambarada ay xiddigaha kooxdu xidhan doonaan xilli ciyaareedka cusub laakiin waxa ku jiray Liiska xiddiga Kounde inkasta oo aan la shaacin lambarka uu xidhan doono.

Developed by Jago Desain