Baasaboorada ugu awooda badan caalamka sanadkan 2022

Baasaboorada ugu awooda badan caalamka sanadkan 2022

 

Saddex dal oo Aasiyaan ah ayaa shacabkoodu haystaan xorriyadda socdaalka caalamiga ah marka loo eego kuwa dalalka kale, sida lagu sheegay warbixin saddex biloodle ah oo ay soo saartay shirkadda Henley & Partners ee fadhigeedu yahay London.

Japan ayaa ka hormarisay Singapore iyo Kuuriyada Koonfureed in ay Baasaboorka muwaadiniinteeda fiisa la’aan ama dal-ku-gal la’aan ay ku tagi karaan 193 goobood oo adduunka ah.

Marka la barbardhigo, ayay tiri warbixinta Henley Passport Index.

Dhanka qaarada Yurub ayaan isbeddel weyn ku imaan waxaana hoggaanka u haya Jarmalka iyo Isbayn oo isku mid ah 190 dal ku tegi kara Fiisola’aan, waxaana ku xiga Finland, Italy, Luxembourg 189.

Sidoo kale waxaa kaalinta shanaad ku jira Austria, Denmark, Netherlands iyo Sweden, halka France, Ireland, Portugal iyo Boqortooyada Midowdey (UK) ay ku jiraan kaalinta 6aad.
New Zealand iyo Mareykanka ayaa ka soo muuqday No.7, iyadoo ay barbar socdaan Belgium, Norway iyo Switzerland.

Muwaadiniinta Afgaanistaan ​​​​waxay mar labaad fadhiistaan ​​halka ugu hooseysa ee tusmada, waxayna geli karaan 27 waddan oo keliya iyagoon u baahnayn fiisaha hore.

Dalka Soomaaliya ayaa ka wanaagsan dalal dhawr ah sida yemen, Ciraaq, Siiriya, Bakistaan iyo Afqaanistaan waxaana ay ku jiraan kaalinta 107, baasaborka Soomaalya ayaa dal kugal la’aan lagu tegi karaa 35 dal oo u badan Afrika iyo Aasiya.

  1. Japan (193 goobood)
  2. Singapore, South Korea (192 goobood ama dal)
  3. Germany, Spain (190 goobood)
  4. Finland, Italy, Luxembourg (189 goobood ama dal)
  5. Austria, Denmark, Netherlands, Sweden (188 goobood)
  6. France, Ireland, Portugal, United Kingdom (187 goobood)
  7. Belgium, New Zealand, Norway, Switzerland, United States (186 goobood)
  8. Australia, Canada, Czech Republic, Greece, Malta (185 )
  9. Hungary (183 goobood)
  10. Lithuania, Poland, Slovakia (182 goobood)

105 Kuuriyada Waqooyi (40 goobood)
106 Nepal, Falastiin (38 goobood)
107 Somaliya (35 goobood)
108 Yemen (34 goobood)
109 Pakistan (32 goobood)
110 Suuriya (30 goobood)
111 Ciraq (29 goobood)
112 Afghanistan (27 goobood)

Developed by Jago Desain