Dheyman Qaali ah Oo Markii Ugu Horaysay Laga Helay Dal ku Yaalla Afrika.(Sawiro)

 


Goob dheymanta laga qodo oo kutaalla waqooyi bari dalka Angola ayaa laga helay dheyman nuuciisa dhif iyo naadir yahay, waxaana dheymanta si weyn usoo jiitay warbaahinta caalamka.

Dheymantan laga helay dalka Angola ayaa la rumeesan yahay in uu yahay midkii ugu weynaa abid ee deegaankaas laga helo muddo 300 sano ah, waxaana dheymantan nuuciisu ka duwan yahya kuwii horey loo heli jiray.

Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday ayaa muujinaya dheymantan quruxda badan oo nuuciisu yahay Basali, waxaana shirkadda laga leeyahay Australia oo ka howlgalaysay goobta laga soo qoday ugu magac dartay The Lulo Rose.

Dheymantan midibkiisu yahay dhifka iyo naadirka sidoo kale aadka u weyn ayaa la filayaa in la suuq geeyo, waxaana shirkada dheymantan soo saartay in dowladda Angola la filayaa in dhaqaalo badan ka helaan iibinta dheymantan.

Dowladda Angola ayaa si weyn usoo dhaweesay dheymantan dalkeeda laga helay, waxa ayna dowladda tilmaantay in dalkeeda uu door weyn ku leeyahay soo saarista macdanta Dheemaanka ee caalamka.




Developed by Jago Desain