Fadeexad : Axmed Taaran oo Lagu Wado In Markii Sedexaad uu Noqdo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Puntland

Fadeexad : Axmed Taaran oo Lagu Wado In Markii Sedexaad uu Noqdo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Puntland

 


Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowlad goboleedka Puntland, sida ay xaqiijinayaan wararka hoose ee la helayo, waxaana la filayaa loo magacaabo xilkaas, Axmed Maxamed Yuusuf Taaraan taas oo ka dhigaysa nin ka sareeya sharciga 

Taaraan ayaa 31 March ee Sannadkan 2022 Madaxweyne Siciid Deni  u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, balse Baarlamanka ayaa 4 July diiday in ay ansixiyaan isaga iyo xubnihii kale ee Maxkamadda, waxaana wareegtada maalintaa lagu magacaabay xubnaha kale ee maxkamadda sare.

Baarlamaanka ayaa 7 July  mar kale Baarlamanku meel-mariyay go’aan Baarlamaani ah oo diidaya in dib loo magacaabo xubnaha Maxkamadda sare, waxaase wada-xaajood muddooyinkii danbe u socday Madaxweynaha iyo Baarlamanka lagu heshiiyay in la qaybsado xubnaha Maxkamadda sare

Wararka hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in madaxweyne Deni uu Baarlamaanka ka dalbaday Axmed Maxamed Yuusuf loo daayo si uu ugu magacaabo guddoomiyaha maxkamadda sare, maadaama xubnihii kale lala qaybsaday, waxaana wararku ay leeyihiin waa laga ogalaaday sidaasna lagu magacaabayo  Taaraan, 

arintan haday dhacdo waxay ka dhigantahay in uu damacsanyahay Madaxwane siciid c/laahi denni in uu taaraan ugu hiiliyo doorashada xisbiyada ee ay hogaaminaayaan hadda wareega hore  Xisbiyada Mideeye iyo sincad

Developed by Jago Desain