WAALIDIINTA OO CABASHO XOOGGAN KA MUUJIYAY LACAGTA LA SAARAY BUUGAAGTA MANHAJKA CUSUB EE PUNTLAND

WAALIDIINTA OO CABASHO XOOGGAN KA MUUJIYAY LACAGTA LA SAARAY BUUGAAGTA MANHAJKA CUSUB EE PUNTLAND

 


Cabasho xooggan ayaa ka taagan qiimaha lacageed ee la saaray ardayda iibsanaya buugaagta Manhajka cusub ee dugsiyada sare Puntland.

Wararku waxay sheegayaan in arday kasta oo iibsanayaa buugaagta cusub ee manhajkaas laga qaadayo lacag dhan $50 Dollar taas oo waalidiintu ay cabasho xooggan ka muujiyeen.

“ Lix arday ayaa ii dhigta dugsiga sare waxaana mid kasta la saaray $50 Dollar markaas waxaa la iga rabaa $300 Dollar oo aanan awoodin haddii kale carruurtayda ayaa waxbarasho la’aan dhacaysa” ayuu yiri mid kamid ah waalidiinta.

“ Waxaan meeshan yar ka koriyaa carruur agoon ah oo qaar dugsi sare dhigtaan waxa ii dheer guri kiro ah iyo noloshii oo adkaatay. Hadda labadii todobaad ii u danbayay cidna wax igama iibsan marka noloshii baa diiq ku jirta iska daa waxbarashee” ayay tiri haweeney kale.

Afar carruur ah ayaa dugsi sare ii dhigta. Mid kasta waxa la saaray $50 Dollar oo la yiri waa buugaagtii manhajka. Hadda mid baa i wacayay iskuulkii laga soo saaray marka xagee ka keenaya weeye” ayay tiri haweeney kamid ah dadka danyarta ah.

Cabashooyinkan ayaa ku soo beegmay xilli ay abaar daran ka jirto Puntland taas oo sababtay in ay waxbarashada ka haraan in ka badan lix kun oo carruur ah islamarkaana ay xirmeen ilaa 19 iskuul sida ay sheegtay wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Developed by Jago Desain