Kulan lagu xoojinayo amniga badaha ee xeebta xadramout iyo Soomaaliya

Maanta, Khamiista, -colonel Omar Cawad Al -Sa'i, Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha xadramout, ayaa kulan kula qaatay magaalada Mukallla Danjiraha S

 


Maanta, Khamiista, -colonel Omar Cawad Al -Sa'i, Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha xadramout, ayaa kulan kula qaatay magaalada  Mukallla Danjiraha Soomaaliya ee yaman mudane Abdullah Xaashi Shura, si ay uga wada hadlaan qaababka lagu xoojiyo xiriirka labada dhinac.

Shirka laba geesoodka ah ayaa looga hadlay fursadaha wadashaqeynta labada dhinac si kor loogu qaado amniga wadajirka  badda ee u udhexeeya  Hazramout iyo Soomaaliya.

Waxay sidoo kale ay kawada hadleen labada masuul qaababka labada dhinacbauga hortagayaan falalka burcad-badeednimada iyo tahriibinta , iyo dhibaatooyinka ay wajahaan badmaaxiinta labada dal iyo sidii xal loogu heli lahaa 

kolonel Omar Cawad Al -Sa'i wuxuu carabka ku adkeeyay bixinta taliska ciidamada ilaalada xeebaha ee Xadamout tashiilaad kala duwan oo loogu talagalay walaalaha Soomaaliyeed iyadoo  badalkeeda uu ka codsaday dhinaca soomaaliya inay sidaasoo kale u fudeeyaan badmaaxiinta u dhashay yaman ee dhinacooda soo aada 

Developed by Jago Desain