Puntland oo ka hortimid go’aan kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dawladda Puntland ayaa si adag looga horyimid go’aan maalmo kahor kasoo baxa

 


War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dawladda Puntland ayaa si adag looga horyimid go’aan maalmo kahor kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan la qaatay safiirada dalalka shisheeye ee ku sugan Muqdisho, ayaa u sheegay in shatiga Kalluumeysiga dalka ay bixin karto DFS, ciddii aan ka qaadan, oo ka kalluumeysatay Biyaha Soomaaliya ay kusoo oogi doonaan eedeymo la xariira in si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen.

Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa sheegtay in go’aanka Wasaaradda Kalluumeysiga Federaalka uu baalmarsan yahay dastuurka DFS, iyo Puntland iyo heshiisyadii horeyto u dhexmaray Dawladda Federaalka iyo dawladdah xubnaha ka ah ee Baydhabo iyo Addis Ababa.

Ugu dambeyn, War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland Dastuurkeeda iyo kan DFS, ay u ogallanayaan inay u dhaqanto sida Dawlad madax banaan inta laga dhameystirayo Dastuurka KMG ah, ayna u madax banaan tahay ka faa’ideysiga

Developed by Jago Desain