WASIIR KU XIGEENKII HORE EE KALLUUMEYSIGA PUNTLAND OO GAROOWE LAGU XIRAY

Laamaha Amniga Puntland ayaa xalay xabsiga dhigay wasiir ku xigeenkii hore ee Kalluumeysiga Puntland Cabdiraxmaan Salaad Jawle oo ku eedaysan kiiska d

 


Laamaha Amniga Puntland ayaa xalay xabsiga dhigay wasiir ku xigeenkii hore ee Kalluumeysiga Puntland Cabdiraxmaan Salaad Jawle oo ku eedaysan kiiska dhoofinta geed-quwaaxa.

Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga ayaa noo sheegay in eedaysane Cabdiraxmaan Salaad Jawle lagu xiray magaalada Garoowe islamarkaana saaka loo waday dhinaca maxkamadda

Liibaan Cali Food oo ku eedaysan kiiska dhoofinta geed-quwaaxa ayaa horay maxkamadda uga sheegay in arrintaas uu kula jiray wasiir ku xigeen hore Jawle.

Balse Jawle ayaa wareysi uu bixiyay 22 bishii May ee sannadkan wuxu ku beeniyay eedaynta la xiriirta kiiska geed-quwaaxa ee loo jeediyay isaga.

Developed by Jago Desain