Shirkadda Golis oo raalli-gelin ka bixisay culays ku yimid adeegga SAHAL

Shirkadda Golis oo raalli-gelin ka bixisay culays ku yimid adeegga SAHAL

 


Shirkadda isgaarsiinta ee Golis ayaa macaamiisheeda ka raalli-gelisay culays ku yimid adeegga SAHAL maalmihii la soo dhaafay.

Qoraal ka soo baxay shirkadda ayaa culayskaas ku sheegtay hormarin ballaaran iyo casriyayn lagu samaynayey adeegga. 

“Waxaan mar labaad macaamiisheena sharafta leh si mug leh uga raalli-galinaynaa culayskaas jiray, waxaan idiin kaga mahadcelinaynaa dulqaadka aad muujiseen.

Waxaan sidoo kale idiin ballan qaadaynaa sidii aad horayba nooga barateen in aan idiinku adeegno si hufnaan, hagar la’aan iyo isku hallayn leh” ayaa lagu yiri Qoraalka shirkadda.

Developed by Jago Desain