Meydadka 15 haween muhaajiriin ah oo laga halay xeebaha Giriigga

Athens, Greece — Ilaalada xeebaha Giriigga ayaa Khamiistii sheegay inay soo saareen meydadka 15 qof oo la socday labo doon oo tahriibayaal ah oo degt

 


Ilaalada xeebaha Giriigga ayaa Khamiistii sheegay inay soo saareen meydadka 15 qof oo la socday labo doon oo tahriibayaal ah oo degtay, iyadoo dhowr kalena laga cabsi qabo in la la’yahay.

Meydadka 15 haween ah oo asalkoodu Afrikaan yahay ayaa laga helay meel u dhow jasiiradda Lesbos kadib markii doon la rumeysan yahay in ay saarnaayeen ilaa 40 qof ay ku degtay bariga jasiiraddaasi xilli ay dabeylo xooggan socdeen, sida uu afhayeenka ilaalada xeebaha Nikos Kokkalas u sheegay TV-ga qaranka ee ERT.

Ilaa hadda ma jiro khasaare rasmi ah oo kasoo baxay doon labaad oo ku degtay koonfurta jasiiradda Peloponnese.

Kokkalas ayaa sheegay in sagaal kale oo haween ah laga soo badbaadiyay dhacdada Lesbos, laakiin 14 kale ayaa la rumeysan yahay in la la’yahay.

“Dumarku aad bay u argagaxsanaayeen,” ayuu yiiri Kokkalas.

Dhowr saacadood ka hor inta aan la helin meydadka dumarkaas, ayaa ilaalada xeebaha lagu wargeliyay dooni nooca sailboat ah inay dabeyluhu ku xannibeen meel u dhow jasiiradda Kythira, ee koonfurta jasiiradda Peloponnese, waxaana doontaas la rumeysan yahay inay saarnaayeen ku dhawaad 95 qof ayna ku degtay meel u dhow dekedda Diakofti ee jasiiraddaas.

Giriiga ayaa sanadkan waxa soo food saartay koror dhanka muhaajiriinta ah, iyadoo dadka wax tahriibiya ay inta badan adeegsadaan wadada dheer ee khatarta badan ee koonfurta dalkaasi, waxayna kasoo shiraacdaan Lubnaan halka markii hore ay kasoo bixin jireenTurkiga, si ay uga dhuuntaan ilaalada badda Aegean oo ay gaaraan Talyaaniga.

Ilaalada xeebaha Giriigga ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen ilaa 1,500 oo qof siddeedii bilood ee ugu horeysay sanadkan, halka sanadkii hore ay ahaayeen in ka yar 600 oo qof.

AFP.

Developed by Jago Desain