Hay’adda Ilaalada Xeebaha oo sheegtay in lagu soo wareejiyay mukhalasiin hub u siday

Hay’adda Ilaalada Xeebaha ayaa shaaca ka qaaday in qeybtooda gacanka Cadmeed ay heleen mukhalasiin hub u siday shixnad hub ah oo laga leeyahay dalka I

 


Hay’adda Ilaalada Xeebaha dalka yaman ayaa shaaca ka qaaday in qeybtooda gacanka Cadmeed  Lagu soo wareejiyay  mukhalasiin hub u siday shixnad hub ah oo laga soo raray dalka Iran oo ay qabteen ciidamada badda Mareykanka, xilli ay ku sii jeedday maleeshiyada Xuutiyiinta.

Hay’addu waxay sheegtay in qaybta Gacanka Cadmeed  Lagu soo wareejiyay lix mukhalasiin Yemeni ah oo lagu qabtay biyaha caalamiga ah, gacanka Cumaan January 6, 2023, waxaana qabtay markabka USS Chinook (PC-9)

Waxa ay intaasi ku dartay in Lixda Mukhalasiinta ah ay la socdeen shixnad Hub ah oo laga soo raray dalka Iran, kuna sii jeeday Xeebaha Yemen.

Sida laga soo xigtay maamulka, markabka oo ah markab kalluumeysi (zaciima) oo tahriibin ah, ayaa siday laba kun iyo boqol iyo lix iyo toban qori oo Kalashnikov AK-47 ah.

Maamulka Ilaalada Xeebaha ayaa sheegay in wareejinta ay ka dhacday inta u dhexeysa Markabka USS The Sullivans (DD-537) , iyo doonyaha ilaalada ee Maamulka meel ka baxsan dhul badeedka Yemen, ee koonfurta dekedda Cadan.

Waxa ay xaqiijisay in dadka wax tahriibiya ay ku socdaan baaritaan lagu diyaarinayo in loo gudbiyo hay’adaha ay khuseyso si loo maro nidaam sharci ah. 

Horaantii bishan ayay ahayd markii ciidamada badda Mareykanka ay shaaciyeen in ay gacanta ku dhigeen markab sidday in ka badan 2,000 oo hub ah oo ka yimid dalka Iran kuna sii jeeday kooxda Xuutiyiinta.

Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa horay u shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen shixnado hub ah oo ka timid dalka Iran, kuwaasi oo u socday maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Developed by Jago Desain