Ciidamada Ilaalada xeebaha turkiga ayaa soo badbaadiyay 46 qof oo tahriibayaal ah oo soomaali ku jirto

Ciidamada Ilaalada xeebaha turkiga ayaa soo badbaadiyay 46 qof oo tahriibayaal ah oo soomaali ku jirto

 


Ciidamada Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa ku dhawaaqay inay soo badbaadiyeen 46 tahriibayaal ah oo ay ku jiraan soomaali, xilli ay doonayeen inay ku tahriibaan badda.

Waxayna bayaan ay soo saartay Talaadadii ku sheegtay in kooxaha Ilaalada Xeebaha ee Turkiga ay soo badbaadiyeen 46 tahriibayaal ah oo aan sharci lahayn  xeebaha degmada Ayvacık ee gobolka Çanakkale, ka dib markii  ay soo celiyeen dhinaca Giriiga.

Waxa ay intaa ku dartay in kooxaha ilaalada xeebaha ay ku arkeen dooni caag ah meel ku taal Iwacik oo ay saarnaayeen tahriibayaal,waxana ay kooxuhu soo badbaadiyeen tahriibayaasha oo dhinaca Giriiga ay ku riixeen dhanka badda Turkiga.

Muhaajiriinta oo haysta dhalashooyinka Somalia ,Yemen, Eritrea, Ethiopia iyo Gambia, ayaa loo gudbiyay xarunta dib u celinta ajaanibta ee ku taal Ayvacık, sida ay sheegtay wakaaladda Anadolu.


Developed by Jago Desain