Imaaraatka Carabta oo gaadiid dagaal & hub ka dajiyay Kismaayo

Imaaraatka Carabta oo gaadiid dagaal & hub ka dajiyay Kismaayo

 


Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa ku wareejisay maamul gobaleedka Jubbaland gaadiid dagaal oo fara-badan iyo agabyo kale, kuwaas oo la sheegay in loogu talagalay ciidamada Jubbaland.

Sida ay heshay Puntlandtimes, gaadiidkan ciidan iyo hubkan ayaa loogu talagalay ciidamo Imaaraatka Carabta uu ka dhisanayo Soomaaliya kuwaas oo tiro ahaan gaaraya 17 kun, 2500 oo kamid ahna Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud tababar ugu soo xiray dalka Uganda maalmo kahor.

Gaadiidka dagaal oo ka koobnaa noocyada kala duwan ee gaadiidka ciidamada iyo hubkan, ayaa markab siday uu kusoo xirtay dekedda magaalo xeebeeda Kismaayo, isagoo kasoo qaaday Dubai.

War ay baahisay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in gaadiidkan iyo agabka kale ee ciidan, loogu talagalay ka qeyb noqoshada dagaalada looga xoreynayo argagixisada deegaannada Jubbaland.

“Dowlada Jubaland ayaa maanta Dowlada aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta ka gudoontay gaadiid dagaal iyo agab Ciidan oo kala duwan kuwaas oo ka qeyb qaadan doona dagaalka dib u xoraynta ah ee ay Ciidamada geesiyada ah ee Jubaland iyo xooga dalka ka wadaan deegaanada kala duwan ee Jubaland.”

Jubbaland ma shaacin tirada gaadiidka iyo agabka kale ee ay siisay dawladda Imaaraatka, balse sawirro ay baahisay Madaxtooyada Kismaayo ayaa muujinaya in ay aad u badan yihiin gaadiidka ciidan ee lagu wareejiyay maamulka Axmed Madoobe.







Developed by Jago Desain