Ma dhab baa in R/Wasaare Xamse is-casilayo?

Ma dhab baa in R/Wasaare Xamse is-casilayo?

 


Sida ay muujinayaan xogo ay heshay warbaahinta, Qorshe la doonayo in uu isku-casilo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamzse Cabdi Barre ayaa ka soconaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Dadaalada lagu meelmarinayo qorshaha iscasilaada Xamze Barre ayaa waxaa horkacayo xubno ku dhow Madaxweyne Xassan Sheekh, kana mid ah kooxda uu hoggaamiyo ee Damu-jadiid iyo qoyska Madaxweynaha.

Kulan dhowaan ka dhacay Villa Somalia, una dhexeeya Madaxweyne Xassan iyo odayaal ku beel ah, ayaa looga hadlay fashilada dul-hoganaya dawladda uu hormuudka u yahay Madaxweynuhu, iyo in dhamaan ay istaageen howlihii socodsiinta dawladnimada ee looga fadhiyay Xukuumadda ‘Dan Qaran’ ee uu horjoogaha u yahay Ra’iisul Wasaare Xamze Aar.

Intii kulanku socday Odayaasha dhaqanka ee Beesha Madaxweynaha, ayaa ku dhaliilay Xassan Sheekh in uu ku guuldareystay in Ra’iisul Wasaare hoggaamin kara Xukuumadda dalka, uu soo xulo, kana door-biday fulinta damaca saaxiibadii, iyagoo u soo jeediyay in la samata-bixiyo dalka, uuna soo dhiso Xukuumad horey u ambaqaadi karta Barnaamijyada horyaalla dawladdiisa.

Madaxweynuhu wuxuu odayaashii la kulmay u sheegay in uu ku khaldamay magacaabistii Ra’iisul Wasaare Xamze, oo uu xitaa kaga aadi waayay deegaanka uu kasoo jeedo (Jubbaland) iska daah Beelweynta Daarood-e. Marka waxaa uu sheegay in uu socdo qorshe uu isku casilayo Xamze Cabdi Barre si looga maarmo isqabqabsi siyaasadeed xilligan” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha Madaxtooyada Villa Soomaaliya oo si dhow ula socday kulanka.

Barnaamijyada dib-u-heshiisiinta, dhameystirka Dastuurka, iyo deyn cafinta, ayaa gebi ahaanba istaagay, waxaana meesha ka baxay wadashaqeyntii DFS iyo Dawlad Gobaleedyada oo ay ugu horeyso Puntland. Beesha Caalamka ayaa kal hore ugu baaqday Madaxweyne Xassan Sheekh in dawladdiisu ka shaqeyso isku heynta dalka.

Developed by Jago Desain