Shaqo joojin ballaaran oo ka billowday dhammaan xarumaha kalluunka lagu dejiyo Xadramout

Shaqo joojin ballaaran oo ka billowday dhammaan xarumaha kalluunka lagu dejiyo Xadramout

 



 Baargaal Media 

Shaqo joojin ballaaran ayaa maanta oo Talaado ah ka billowday dhammaan xarumaha kalluunka lagu dejiyo ee ku yaalla xeebta Xadramout, taasoo looga soo horjeedo joojinta dhoofinta noolaha badda.

Shaqo joojintan ayaa noqotay tilaabadii ugu horeysay ee ay qaadaan kalluumaysatada, ka dib go’aankan oo ay ku tilmaameen mid aan loo meel dayin goaanka  lagu joojinayo dhoofinta kalluunka meelaha ks baxsan Yemen.

 Kalluumeysatada ayaa sheegay in go’aankaasi uu dhibaato toos ah u geystay kalluumeysatada oo ah halka kaliya ee ay ku nool yihiin.

Berri oo Arbaca ah, magaalada Mukalla waxaa ka dhici doona bannaanbax ay isugu soo baxayaan kumannaan kaluumaysato ah oo uu saameyn xun ku yeeshay go’aanka lagu joojinayo dhoofinta kalluunka.

Developed by Jago Desain