Shir xasaasi ah oo Nairobi uga furmaya Puntland iyo Bangiga Aduunka

Shir xasaasi ah oo Nairobi uga furmaya Puntland iyo World Bank

 


Shir gaar ah oo u dhexeeya Puntland iyo Hay’addaha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya, gaar ahaan Bangiga Adduunka (World Bank) ayaa ka furmaya caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Kulanka oo bilaaban doona saacadaha soo socda ayaa looga wadahadli doonaa sidii mashaariicda uu ku bixinayo magaca Soomaaliya (Koontada Puntland) si toos loogu siin lahaa dhankooda.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay wehliyaan 7 kamid ah xubnaha golihiisa wasiiradda iyo xildhibaano ayaa kusugan magaalada Nairobi. Xukuumadda Puntland ayaa cabasho ka qabta 10 Mashruuc oo laga hirgalin lahaa Puntland oo ay xanibtay dawladda Faderaalka, xili Puntland ay Feb-2023 soo saartay in ay toos macaamil ula yeelanayso beesha Caalamka oo aysan mari doonin Hay’addaha Faderaalka.

Mashruuca Tamarta oo Bangiga Aduunka uu kubixinayay $150 Malyan oo Dollar, ayaa DFS u qeybisay si ay diiday Puntland, waxaana ay Garoowe sheegtay in aysan aqbali doonin qeybintiisa, taas oo sababtay in 5 Mashruuc oo kale la joojiyo.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa sii xumaanayay xiriirka iyo wadashaqeynta Muqdisho iyo Garoowe, Madaxweyne Siciid Deni ayaana isaga baaqsaday kulan Golaha Wadatashiga Qaran ay ku yeesheen maalmo kahor caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed (Baydhabo), kaas oo ugu dambeyn kusoo idlaaday in ergo ka kooban Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle loo diro Garoowe, si Deni ay u wadahadal siiyaan kooxda isku raranka ah ee Villa Soomaaliya, uuna hoggaaminayo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

Xigasho: Puntland Times

Developed by Jago Desain