Taariikh: Xildhibaan Maryan xuseen oo noqotay gudoomiye ku xigeenka xisbiga SV ee Dalka Norway

Taariikh: Xildhibaan Maryan xuseen oo noqotay gudoomiye ku xigeenka xisbiga SV ee Dalka Norway


Maryan Cabdi Xuseen oo ah xildhibaanadda asal ahaan soomaali ah oo katirsan baarlamaanka Norway, ayaa caawa loo doortay gudoomiye ku xigeenka xisbiga SV oo kamid ah xisbiga siyaasaddeed ee ugu waaweyn Norway.

Maryan oo horey u aheyd xildhibaankii ugu horeeyay ee asal ahaan kasoo jeedo Afrika, ayaa caawa mar kale dhigtay taariikh cusub oo ku saabsan inay noqoneyso gudoomiye ku xigeenka xisbiga SV oo xiligan ah xisbiga kursiga ku haya xukuumadda uu hogaamiyo Reysulwasaare Jonas Garh Støre.

Tartan booska gudoomiye ku xigeenka ayaa wuxuu ka dhaxeeyay Maryan iyo Lars Haltbrekken oo ah siyaasi rug cadaa ah oo katirsan xisbiga SV, waxaana shirweynuhu uu cod aqlabiyad leh ku doortay Maryan oo 2 sano kahor loo doortay xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway.

Guusha Maryan ee caawa ayaa mar kale noqoneyso taariikh sumcadeed iyo mid siyaasadeed oo si gaar ah oo usoo hoyotay bulshada soomaalida ah ee kunool Norway.

Developed by Jago Desain