Muuqaalkii ugu horreeyey ee laga arkayo qaabkii ay u burburtay diyaaraddii siddey hoggaanka Wagner oo soo baxay (Daawo)

Muuqaalkii ugu horreeyey ee laga arkayo qaabkii ay u burburtay diyaaraddii siddey hoggaanka Wagner oo soo baxay (Daawo)

 



 Waxaa soo baxaysa xog dheeraad ah oo ku saabsan diyaarad ku burburtay Gobolka Tver ee Ruushka, iyadoo ay warbaahinta Ruushku xaqiijisay in madaxa shirkadda gaarka ah ee Wagner Evgeny Prigozhin uu ku jiro liiska rakaabka dhintay maadaama aanay cidina ka badbaadin ”shilka.”


Sida laga soo xigtey Wakaaladda Gaadiidka Hawada Federaalka ee Ruushka: “Baaritaan ku saabsan shilka diyaaradda Embraer ee ka dhacay gobolka Tver fiidnimadii caawa ayaa la bilaabay.


“Sida ku qoran liiska rakaabka, magaca koowaad iyo kan dambe ee Yevgeny Prigozhin ayaa ku jira liiska.”

Telegram-ka ku xiran kooxda Wagner ayaa isna sheegay in diyaaradda ay soo rideen difaaca hawada Ruushku. Wararka soo baxayaa waxay sheegayaan in dadka saarnaa ay 10- 14 qofood ahaayeen.


Haatan, dhowr muuqaal oo gaagaaban oo ay daabaceen kanaallada Mash iyo Baza Telegram ayaa u muuqda inay muujinayaan diyaaradda gaarka ah ee Embraer Legacy 600 jet oo dhulka usii socota iyadoo holcaysa una muuqata inaan la xakameyn karin.


Waxaa la arkayaa qaac madoow oo kasoo baxaya diyaaradda, inkastoo aan la ogayn halka uu dabku ka kacay.

Mid ka mid ah muuqaallada ayaa sidoo kale muujinaya burburka diyaaradda oo meel bannaan ah ku dhacday islamarkaana uu holac ka baxayo. Qiiq madoow oo aad u wayn ayaa la arkayaa isagoo dul heehaabaya goobta uu shilku ka dhacay.


Developed by Jago Desain