Agaasimaha guud ee wasaaradda Kaluumeysiga puntland oo shaqadii loo fasaxay

Agaasimaha guud ee wasaaradda Kaluumeysiga puntland oo shaqadii loo fasaxay



Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntlandayaa rashiid maxamuud yuusuf ayaa shaqadiisa u fasaxay agaasimaha guud ee wadaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda puntland agaasime Sharmaarke Yaasiin Cali  kadib markii uu digreeto soo baxday 21 sep 2023 uu shaqada kaga joojiyay agaasimaha 

Waraaqda shaqo ka joojinta Wasiirku waxa uu u cuskaday amardiido iyo talo qaadasho la’aan 

wareegtada shaqo u fasaxida agaasimaha guud ee wadaaradda kalluumaysiga ayaa u qornayd sidatan : 


Ujeeddo: Shago u Fasaxid

Anoo tixraacaya wargada sumadeedutahay, Xw/WKHB/043/2023, kuna taariikhaysnayd 21/9/2023, ujeedaduna ahayd shago ka joojin, kana soo baxday xafiiska wasirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland.

Hadaba, manta oo ay taariikhdu tahay, 25/9/2023 waxaa shaqadii dib loogu fasaxay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga , Sharmarke Yaasiin Cali.

Sidaas darteed, waxaa lagu wargelinayaa cid kasta oo ay qusayso wargadaani, in Agaasimaha Guud shagadii loo fasaxay.

Fulin wacan




Developed by Jago Desain