SSC Khaatumo oo Somaliland ku eedaysay in ay abaabulayso dagaal beeleedyo

SSC Khaatumo oo Somaliland ku eedaysay in ay abaabulayso dagaal beeleedyo

 


SSC Khaatumo ayaa ka digtay dagaal beeleed ay sheegtay in ay Somaliland ka abaabulayso deegaanada bariga Ceerigaabo iyo Buuhoodle.


Warsaxaafadeed kasoo baxday Maamulka SSC Khaatumo, ayaa lagu sheegay in ay si dhaw ula socdaan wax ay ugu yeedheen dagaal beeleed ay Somaliland abaabulayso.


"Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu si dhaw ula socdaa dhaqdhaqaaqyada dagaal iyo ficillada colaadeed ee ka imaanaya maamulka Somaliland kuwaas oo ku hawlan in ay colaad qabiil iyo dagaal beeleedyo ka abaabuulaan dhulka miyiga ah" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.


Warsaxaafadeeda ayaa lagu sheegay in SSC Khaatumo ay ilaalinayso dhulkeeda iyo shacabkeeda isla markaana ay si dhab ah u qaadanayso abaabulkasta oo dagaal, iyada oo inta ay raacisay in ay masuuliyad ka saarantahay ilaalinta shacabkeeda.


SSC Khaatumo ayaa ku eedaysay Madaxweynaha Somaliland in uu hurinayo colaad qabiil " Maamulku wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, in Muuse Biixi uu Taariikh 14-kii October 2023 ku baaqay inuu abaabulayo dagaal beeleedyo".


Dhawaanahan waxa jiray dagaalo goos goos ah oo beelo deegaanka wadaga ku dhexmaray agagaarka Quruligud iyo Buuhoodle, waxa jira odayaal dhaqameed ka tagay magaalada Burco oo ku hawlan daminta colaada.


Hadal uu dhawaan jeediyay Madaxweyne Biixi ayuu ku amaanay kooxo uu sheegay in ay yihiin difaac madaniya, oo uu sheegay in ay isku xilqaameen difaaca Somaliland.

Developed by Jago Desain