Manchester City Maxay uga baqayaan in Girona ay u soo baxaan Champions League?

Manchester City Maxay uga baqayaan in Girona ay u soo baxaan Champions League?

 


Manchester City ayaa wajahaysadhibaato  xagaaga soo socda haddii Girona, oo ku tartameysa horyaalka Spain, ay u soo baxdo Champions League ka dib markii ay si cajiib ah ku bilaabatay xilli ciyaareedkaan, sida laga soo xigtay wargeysyada Ingiriiska.


Girona waa mid ka mid ah naadiyada ay leedahay Citigroup oo iska leh Manchester City.Sharciga iyo qawaaniinta Midowga Yurub ayaan ogolayn in laba kooxood oo hal koox iska leh ay ku tartamaan hal tartan.


Girona ayaa 18-bilood gudahood uga soo gudubtay tartanka horyaalka heerka labaad ee dalka Spain. Guulo xiriir ah oo horyaalka Spain laga gaaray ayaa kooxda Catalan ku hogaamiyay hogaanka horyaalka Spain, iyadoo labo dhibcood ka hooseysa Real Madrid, kadib guushii weyneyd ee ay ka gaareen Barcelona oo ku badisay 4-2, halka Barcelona ay afar dhibcood ka danbeyso Girona.

Developed by Jago Desain