20 kamid ah askartii Osama Bin Ladin dilay oo ku dhintay qarax diyaarad

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in diyaaradii xalay kusoo dhacday dalka Afghaanistaan askartii ku dhimatay 20 kamid ah ay ahaayeen kooxdii dilay Osama Bin Ladin, hogaamiyihii Al Qaida.

Diyaaradan ayey saarnaayeen ciidamada komaandooska Maraykanka oo lagu magacaabo Special Force qeybtooda Sealska oo lagu magacaabo Team six, ama kooxda Lixaad ee ciidamada Special Forceska, kuwaasi oo ah kuwii fuliyey weerarkii lagu dilay Osama Bin Ladin 1dii bishii May ee sanadkan. Warkan ayaa maanta laga baahiyey telefishonka ABC ee Maraykanka laga leeyahay iyo waliba Wakaalada Wararka ee Maraykanka AP oo xogtan si hoose uga heshay saraakiil ka tirsan ciidamada Maraykanka.

Macada hawlgalka ay wadeen ciidamadan xalay markii ay lasoo dhacday diyaaradii ay saarnaayeen, wallow ay Talibanka sheegeen inay ayagu soo rideen.


Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Maraykanka ayaa kusoo dhacday gobalka Wardak ee dalkaasi Afghaanistaan xili ay halkaasi ka socdeen dagaalo u dhaxeeya NATO iyo Talibanka, burburka diyaarada ayey ku dhinteen 31 askari oo ka tirsan ciidamada Komaandooska Maraykanka ee loo yaqaan “Special Forces”.
Burburka diyaarada ayey sidoo kale ku dhinteen 7 askari oo reer Afghaanistaan ah, waxaana la aqoon waxa sababay burburka diyaaradan, ayadoo tirada Askarta halkaasi uga dhintay ay tahay tiradii ugu badneyd oo ciidamada Maraykanka hal hawlgal ku dhinta muddo 10 sano laga joogo.
Talibanka ayaa ayagu sheegtay inay soo rideen diyaaradan sida lagu qoray qoraal kasoo baxay Afhayeenka Talibanka Sabiullah Mujahid.


Saraakiisha NATO ayaa sheegay inay baaritaan kuwadaan diyaaradan soo dhacday waxa sababay, ayagoo qiray in diyaarada ay soo dhacday xili uu socday hawlgal ka dhan ah Talibanka oo ay NATO ku qaaday degmada Sayd Abad oo ku taal gobalka Wardak oo koonfur Galbeed ka xigta magaalada caasimada ah ee Kabul.

Baargaal Media
Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain