June 20, 2018

Madaxweyne Gaas oo Magacabay Garyaqaanka Guud ee Puntland.

Madaxweyne Gaas oo Magacabay Garyaqaanka Guud ee Puntland.


Garowe :- Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa Magacabay Garyaqaanka Guud ee Dowladda,kagadaal markii uu geeriyoday garyaqaan Maxamed Xasan.
Madaxweyne Cabdiweli waxaa uu Garyqaanka Cusub ka dhigay Maxamed Yuusuf Maxamuud,Xeer Madaxweyne Lr. 83 June 19 2018, kuna saabsan Magacaabid  Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland 
Markuu arkay:                                   Dastuurka Dowladda Puntland.
Markuu tixgaliyey:                          Aqoon tiisa iyo khibradiisa Shaqo
Wuxuu Xeeriyey:
1.Waxaa Maxamed Yuusuf Maxamuud loo Magacaabay Garyaqaanka Guud ee Dowladda Puntland
2.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.
— =DHAMMAAD=

June 18, 2018

(SAWIRRO) Shacabka Garowe:  Laascaano Madi ma ahan, waxaana la joogaa xilligii laga xorayn lahaa maamulka gooni goosadka ah.

(SAWIRRO) Shacabka Garowe: Laascaano Madi ma ahan, waxaana la joogaa xilligii laga xorayn lahaa maamulka gooni goosadka ah.


Mudaharaad balaaran oo shacabka Garowe ay kaga soo horjeedaan dhibaatada iyo duulaanka maamulka gooni u goosadka ah ee Hargeysa uu ku soo qaaday gobolka Sool ayaa maanta ka dhacay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Dadweynaha mudaharaadka dhigayay oo ay ka muuqatay shacuur xoogan ayaa waxay muujiyeen sida ay uga xunyihiin dhibaatada maamulka Hargeysa uu ku hayo shacabka Laascaanood, oo marti unoqday dil, xabsi iyo caburin joogta oo lagu hayo.

Waddooyinka Garowe ayay socod dheer ku Mareen dadweynihii isu Soo baxay iyagoo isugu tagay barxada Garowe, halkaasi oo ay warbaahinta kula hadleen.

Shacabku waxay ku dhawaaqayeen erayo ay kamid yihiin Laascaano Madi maahan, isla markaana maanta la joogo xilligii la xorayn lahaa.

Shacabku sidoo kale waxay ku dhawaaqayeen inay garabtaagan yihiin ciidamada difaaca Puntland ee ku jira jiidaha dagaalka ee gobolka Sool.

DAAWO SAWIRRADA.





Maqaal: Dear PM Abiy Ahmed Ali, orodka badan waa lagu kufaa, ee aan marka hore xalino arinta Soomaali Galbeed

Maqaal: Dear PM Abiy Ahmed Ali, orodka badan waa lagu kufaa, ee aan marka hore xalino arinta Soomaali Galbeed


Ma xuma fikrada ah in labada Dal Soomaaliya iyo Etiopia la mideeyo ama suuro gal noqon karto in la mideeyo, waa fikrad hadda ka hor sanadihii ’70 uu Soviet Union soo jeediyay, (waa 48 sano ka hor), fikradasi waxay ahayd in 2da Dal noqdaan Confederation, fikradaas way socon weysay, suuro gal ma aysan noqon madaama ay jireen caqabado badan hor yiilay.
Fikradaada maaha mid cusub, hase ahaatee waa mid wali tix gilin mudan, waa mid u baahan in daraasad fog u llagu sameeyo hadii ay suuro gal noqon karto in labada Dal la midayn karo ama Confederation samaysan karaan.
Laakiin waa in marka hore laga gudbaa oo la xaliyo caqabadaha hor’yaala ama kuwa soo ifbixi karaan.
Mudane PM Abiy hadii aad rabtid in siyaasad cusub ku dhisan is aaminaad , wax wada qabsi
iyo hor’umar, waa in dhiniciina aad diyaar u tihiin in marka hore la xaliyo caqabaha ina hor yaala kuwaa o ay ka mid yihiin:
1) In laysku afgarto in Soomaali Galbeed ay
qayb ka tahay kana tirsanaan jirtay
Soomaalia
2) Inta aan midaynta 2da Dal loo tilaabsan in
la laysku af garto xuduudaha 2da Dal.
Dear PM Abiy Axmad 68 sano ayaan sugaynay in aad garataan in Etopia iyo Soomaaliya caqabadda ugu weyn ee hor taagan ay tahay Soomaali Galbeed.
In aragtidiina ay ku ektahay oo aysan dhaafsaneen xeebaha Soomaaliya waa midda laysku af garan la’yahay.
Dr Abuukar Nuur Xusseen
RW Ethiopia oo Golihiisa ugu bishaareeyay 4 arrin oo halis galin karta Heshiiska ay la galeen Somalia (Akhriso)

RW Ethiopia oo Golihiisa ugu bishaareeyay 4 arrin oo halis galin karta Heshiiska ay la galeen Somalia (Akhriso)


Warar dheeraad ah ayaa waxa uu weli kasoo baxayaa Heshiis magaalada Muqdisho ay maalin ka hor ku kala saxiixdeen dowladaha Somalia iyo Ethiopia kaa oo ka koobnaa 16 qodob oo muhiim ah.
Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed oo saacadihii ugu danbeeyay kulamo gaar gaara la qaatay Wasiirada Xukumadii iyo qaar kamid ah baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in Heshiiska ay la galeen Somalia uu meesha ka saari doono baahida (Badda) ee heysata Ehiopia.
Wax uu Dr Abiy Wasiirada iyo tirada Xildhibaanada ee saacado ka hor uu la kulmay u xaqiijiyay in Ethiopia ay si dhaqsi ah uga faa’iideysan doonto Heshiiska ay la gashay Somalia, waxa uuna xaqiijiyay in Ethiopia ay cagta saartay dhabaha horumarka.
Qodobka maalgashiga Dekaddaha ayuu sheegay inuu yahay qodobka ugu muhiimsan Heshiiska, kaa oo uu ku sheegay in Ethiopia ay uga gudbi doonto baahiyaha ka heysta dhanka Badda.
Dr Abiy, waxa uu Wasiirada iyo Xildhibaanada u xaqiijiyay 3 arrimood oo uu sheegay in Ethiopia ay ugu jirto maslaxad waxa ayna kala yihiin:-
1-In Heshiiska maalgashiga Dekadaha Somalia uu noqon doono mid waligii taagnaada, isla markaana ay Ethiopia ka shaqeyn doonto cusbooneysiinta Heshiiska, maadaama aysan heli doonin fursad lamid ah kan Heshiiska.
2-In ficilada Ethiopia ee Dekadaha Somalia ay ku saleysnaan doonto baahiyaha gaarka ah ee Dowlada iyo shacabka Ethiopia.
3-Ka faa’iideysiga kheyraadka Badda Somalia iyo yagleelida Shirkado dowladeed oo soo saara kaluunka, iyadoo laga faa’iideysanaaya fursada Heshiiska.
4- Abiy waxa uu sheegay in Heshiiska uu albaabo u furi doono in dhalinyaro badan oo Ethiopian ah ay u shaqo tagaan Dekadaha Somalia.
Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Ahmed, waxa uu sidoo kale kulamada gaar gaarka ah ku xaqiijiyay in Dowladiisa ay Somalia la gali doonto Heshiisyo kale oo ku saleysnaan doona baahiyaha gaarka ah ee Ethiopia.
Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy waxa uu ballanqaday in dhexgal dhinacyada Siyaasada ah ay ku sameyn doonaan Somalia, waxa uuna cadeeyay inay hiigsan doonaan wadada ganacsiga.
Haddalka Ra’isul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy, ayaa u muuqanaaya mid ifinaaya damaca Ethiopia ee ku aadan Dekadaha iyo kaabayaasha dhaqaale.

June 16, 2018

DAAWO SAWIRO: RA’ISILWASAARAHA DALKA ITOOBIYA OO SOO GAARAY MUQDISHO

DAAWO SAWIRO: RA’ISILWASAARAHA DALKA ITOOBIYA OO SOO GAARAY MUQDISHO


Ra’isilwasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy Amed iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa Goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Dr Abiya ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana la xiray guud ahaan wadooyinka soo gaala garoonka iyo madaxtooyada.
Dr Abiya Ra’isilwasaaraha Dalka Itoobiya ayaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaasi oo ay ka dhacayaan kulamo u dhaxeeyo madaxda dowlada iyo Ra’isilwasaaraha Itoobiya.
Waa Markii ugu horeeysay ee Ra’isilwasaaraha Itoobiya Dr Abiya Ahmed uu soo gaaro magaalada Muqdisho.









June 10, 2018

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo gaaray Singapore iyo Donald Trump oo ku sii jeeda.

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya oo gaaray Singapore iyo Donald Trump oo ku sii jeeda.


Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un ayaa gaaray dalka Singapore, halkaasoo uu ka dhici doono kulanka taariikhiga ah ee isaga iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Kim Jong Un ayaa diyaarad qaas ah ay ka soo qaaday magaalada Pyongyang, waxaa garoonka diyaaradaha Singapore ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee dalkaas.
Diyaaradda uu la socday Kim Jong Un oo nooceedu ahaa Ilyushin-62M jet, taasoo la sheegay inay ku soo hakatay magaalo ku taalla Shiinaha oo ay shidaal ka soo qaadatay, ka hor intaysan u duulin dalka Singapore.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa in goor dambe oo Axada maanta ah uu gaaro Singapore.
Kulanka taariikhiga ah ee labada Hoggaamiye ayaa maalinta Talaadada ka dhici doona Jaziiradda Sentosa ee dalka Singapore.
Waxaa uu noqon doonaa markii u horeysay oo Hoggaamiye Waqooyi Kuuriya uu la kulmo Madaxweyne Mareykan ah oo xafiiska jooga.

June 07, 2018

Maqaal : Aragtida Islaam-ka ee ka Ganacsiga Bitcoin

Maqaal : Aragtida Islaam-ka ee ka Ganacsiga Bitcoin


Waa Maxay Bitcoin?
Bitcoin waa nidaam lacag-bixineed oo caalami ah waana hanaan lacageed kii ugu horeyey oo dijitaal ah kaas oo aysan jirin nidaam maaliyadeed oo maamula. Bitcoin waxay u sahlaysaa dadka inay lacag diraan ama helaan ayagoo isticmaalaya Internetka, xitaa qof aanad garanayn ama aadan ku kalsoonayn ayaad la tacaamuli kartaa. Bitcoin waxaa la isticmaali karaa ayadoon la cadaynayn aqoonsiga dhabta ee shakhsiga.
Bitcoin waxay soo ifbaxday Aug 2008 waxaana magacaas si rasmi ah loo aqoonsaday Nov 2008, waxaa aasaasay sakhsiyaad aan la aqoon waxaase jirta in lala xiriiriyey shakhsi u dhashay dalka Japan kaaso oo lagu magacaabo Satoshi Nakamota balse waa uu iska diiday arintaas waxaana soo baxay gadaashii dad badan oo sheeganaya oo uu kamid yahay nin u dhashay dalka Australia.
Bitcoin sidee u shaqaysaa?
Bitcoin waxay dhalataa ka dib markii qofku uu sameeyo “MINING” kaasoo oo ka dhigan adeeg diiwaan-qabasho/Xog dhawrid oo lagu sameeyo isticmaalka awoodda wax qabad kombiyuutarka.
Bitcoin waa shabakad ku shaqaysa kuna socota hanaan loo yaqaan (BLOCKCHAIN), astaamaha farsamaysan ee blockchain waa hanaan ay fududahay in la fahmo una shaqeeya si dhib yar. Halkii Blockchain ah waxa uu ka kooban yahay hal taxane ah oo xambaarsan qaybo kala duwan oo macluumaad ah kaas oo loo diyaariyey hab chronological. Mararka qaar Block chain-ka ay ku shaqayso Bitcoin waxaa loo yaqaanaa distributed ledger.
Bitcoin waa mid ay aad u adag in la xakameeyo ama gacan kale soo faragaliso, mana lahan muuqaal, shakli ama qaro jirtaaneed taas oo ka dhigan in aadan ku xifdin karayn boorso ama meel kale oo wax lagu ilaashado kaliya waxaad u baahan tahay in aad kalsooni muujisid.
Sifooyinka iyo Astaamaha Bitcoin:
  1. Ma jirto awood Dawladeed oo maamusha: Mid kamid ah danihii iyo ujeedooyinkii laga lahaa Bitcoin ayaa ahayd in ay ka madax banaanaato awood walba oo dawladeed. Waxaa loogu talagalay in qof kasta, shirkad walba iyo sidoo kale mashiin kasta oo ku lug leh wareejinta lacagaha iyo Mining uu qayb ka noqon karo shabakada Bitcoin.
  2. Majhuul (aan la aqoon): Maalmahaan dambe Bangiyada waxay ogaadaan wax walba oo ku saabsan macaamiishooda sida: Taariikhda deyn qaadasho, cinwaanada, lambarada taleefanka iyo wixii la mid ah. Bitcoin way ka duwan tahay sidaas, maadaama aysan jeebka khasab (Bitcoin Wallet) ku ahayn kuwo lala xiriiriyo macluumaadka shakhsi ahaaneed ee aqoonsiga. Dadka qaarkood raali kuma ahan mana doonayaan in Dawladuhu ay awood u yeeshaan in ay dabagal iyo tixraac ku sameeyaan dhaqdhaqaaqyadooda maaliyadeed, waxay tani ka dhigtay Bitcoin meel u nugul in loo isticmaalo maalgalinta argagixisa, kuwa Mukhaadaraadka ka baayac mushtara iyo dhamaan lacagaha aan sida la yaqaan kusoo xaroon.
  3. Lama soo celin karo: si kooban arintaan waxaan ula jeednaa hadii aad mar lacag bitcoin ah u dirto qof kale majiro hab aad lacagtaas dib ugu soo ceshan karto hadii qofkii uusan dib kuugu soo celin. Taas oo ka dhigan in lacagtii aad mar dirto aadan ku doodi karayn oo qofna aadan u raacan karin.
  4. Degdegsiimo: Bitcoin labo qof oo dunida dacaladeeda kala jooga ayaa il-biriqsiyo gudahood isugu xawili kara lacagta bitcoin taas oo muujinaysa xawaaraha saaidka ah ee ay ku shaqayso.
Bitcoin ma lacag baa mise?
Inta badan culimadu waxay isla qaadateen in Bitcoin aysan ahayn lacag maadaama aysan qaban karin shaqada lacagtu qabato sidoo kale aysan lahayn sifooyinka lacagtu ku sifaysan tahay oo ay kamid yihiin:
  • Lacagtu waa halbeega wax lagu kala gato: waxaa marag ma doonto ah in Bitcoin aan wax lagu kala gadan karayn oo aysan jirin shirkad ama dawlad u aqoonsan in bitcoin tahay lacag.
  • Unug xisaabeed: wax walba maanta waxaa lagu qiimeeyaa lacag, tusaale ahaan markii aad neef geel ah gadanaysid waxaa laguu sheegayaa qiimaha lacageed ee uu ku fadhiyo, bitcoin wali ma noqon halbeed lagu wada qanci karo taas oo ka dhigaysa in aysan lacag tilmaamteed qaadan Karin.
  • Aqbalaada dadwayne: Tilmaamaha lacagtu leedahay waxaa kamid ah in dadku kuwada qancaan, hadii taas laga waayo laguma tilmaami karo lacag. Bitcoin maahan shay lacagnimadeeda lagu wada qancay sidaas awgeed ma oran karno waa lacag.
  • Waaritaan: Lacagtu waa in ay ahaataa shay sii jiray oo wakhti dheer waaraya. Bitcoin oo waxay jirtaa wakhti kooban lamana saadaaliinayo in ay sii jirto wakhti dheer sidaas awgeed way adagtahay in Bitcoin ay noqoto shay mudo dheer sii jira.
Dalalka mamnuucay ka ganacsiga Bitcoin
Waxaa jira dalal badan oo dunida daafaheeda dhaca kuwaas oo mamnuucay ka ganacsiga iyo la tacaamulka Bitcoin, sababo kala duwan ayay wadamadu u aaneeyeen mamnuucida Bitcoin. Wadamada qaar ayaa sababta ku sheegay in Bitcoin ay horseedayso dhaqaale bur, halka kuwo kale ay u aaneeyeen in ay tahay wado maalgalinta argagixisa, ka ganacsiga maandooriyaha iyo dhaqida lacagaha loo isticmaali karo, hase ahaatee badi dawladaha Islaamka ee mamnuucay isticmaalka Bitcoin ayaa ku macneeyey in ay sharciyan tahay shay haaraam ah. Dalalka mamnuucay waxaa kamid ah:
Bolivia
Ecuador
Bangladesh
Kyrgyzstan
Nepal
Vietnam
Sweden
Russia
China
India
Iceland
Ecuador
Turkey
Egypt
Taiwan
Nepal
Saudi Arabia
Mexico
Zambia
Morocco
South Korea
Algeria

Inta badan dalalka Dunida ayaan wali kasoo saarin xeerar mamnuucaya ama golaanaya ka ganacsiga Bitcoin maadaama Bitcoin ay tahay arin ku cusub wadamada qaarkood khaasatan wadamada aan ku tilaabsan hormar dhaqaale iyo mid tiknooloojiyadeed. Waxaase wax badan is badali doonaan inta lagu guda jira sanadaan socota ee 2018 maadaama la filayo in ay si isdaba joog ah usoo kordhi doonaan dalalka mamnuuci doona ka qanacsiga Bitcoin.
Aragtida Culimada Islaamku ay ka qabaan Bitcoin:
Hadaba intaas hadii aan uga imaado faahfaahinta Bitcoin waxa ay tahay iyo sida ay u shaqayso, waxaan eegaynaa aragtida Islaamka ee ku aadan Bitcoin.
Umad walba waxaa jira mabaadii aasaasi u ah tacaamulaadka ay samaynayso, maadaama Soomaalidu tahay bulsho 100% Muslim ah waxaa haboon in wax walba oo aan samaynayno ay ahaadaan kuwo ku salaysan sifo sharci ah.
Bulshada Soomaaliyeed eek u dhaqan dalalka Khaliijka iyo Geeska Afrika dhawaan ayay ku baraarugeen jiritaan Bitcoin, culimo badan oo Soomaaliyeed oo arintaan si xeel dheer uga hadashay ma jiraan ama way yar yihiin.
Culimada badankood waxay isla qaateen in Bitcoin ku tacaamulkeeda ama maalgashigeedu yahay Xaaraam ayaga oo u sababaynaya arimahaan:
  • Sheekh Imran Nazar Hosein oo ah Caalim, Qoraa iyo Filasafoor ku takhasusay dhaqaalaha iyo siyaasada Islaamka ayaa Xaaraamnimada Bitcoin u cuskaday in Bitcoin aysan iyadu qiimo lahayn “intrinsic Value” yacnii in Bitcoin aysan jirin wax qiimo ah oo shay ahaateedu ku fadhido, Tusaale ahaan Dahabku waxaa jirtay xili lacag ahaan loo isticmaali jiray markaan ka tagno in dadku ay ku qanceen in Dahabka lacag ahaan u isticmaalaan misna Dahab ahaantiisa ayuu qiime ku leeyahay, halka Bitcoin aysan sifadaan lahayn.
FG: Lacagaha qaarkood waxaa qiimo u yeela shayga ay ka samaysan yihiin sida Dahab halka lacagaha casriga ah ee xaanshida ah (Paper) ay qiimo ku leeyihiin maadama ay awood sharci ah oo dawladeed haystaan (Legal Tender form Authorized Agent).
  • Imamka Masjid Jeddah Sheekh Assim Alhakim ahna caalim dhanka shareecada iyo dhaqaalaha ah ayaa aaminsan in Bitcoin tahay Xaaraam asagoo u sababaynaya in ay tahay lagama maarmaan in isdhaafsiga lacagaha kala duwani ay noqdaan mid hal mar lagu kala baxo “dhiib oo qaado” isla wakhtigaas balse ay Bitcoin u shaqayso hanaan sidaas ka duwan oo kala badalashada lacaguhu aysan hal mar dhicin taas oo ka dhigaysa Bitcoin ku tacaamulkeeda mi Xaraam ah sida uu sheekhu qabo.
  • Sidoo kale Dr. Abdi Sadiq Ibn Khalkan oo ah caalim dhanka dhaqaalaha Islaamka ahna Qoraaga buug dhawr ah oo dhaqaalaha islaamka ka hadla ayaa aaminsan in Bitcoin tahay Xaaraam aysana banaanayn in lala tacaamulo iyo in wax lagu yeesho toona sheekha ayaa cilada Bitcoin ku tilmaamay in ay leedahay (Gharar, Uncertainty) taas oo ka dhigan in Bitcoin ay ku shaqayso hanaan ku salaysan khiyaamo iyo hubanti la’aan dhanka dadka leh mulkiyada Bitcoin oo aan la aqoon, is badbadlka xad dhaafka ah ee la xiriira sicirka lakala siisanayo Bitcoinka iyo dadka kala gadashadu dhex marayso oo aan is aqoon, Sheekha ayaa qaba in sifudud oo faaiido xad dhaafka ah loo sameeya ama khasaarada saaidka ah uu kuugu dhacaa ay ka dhigan taahy (Gharar, Uncertainty and Hubanti la’aan) taas oo Bitcoin ay ku tahay caan.
  • Caalimka Misriga ah ee Sheekh Cumar CabdiKafi ayaa maxaadiro uu jeediyey ku sheegay inay Xaaraam tahay in lala tacaamulaana Bitcoin, sheekhu waxa uu arintaas u sababeeyey in Bitcoin tahay Majhuul aan la aqoon wax leh iyo in dadka dhaqdhaqaaqu uu dhex marayo ay yihiin dad aan la aqoon. Sheekhu waxa uu sidoo kale cadeeyey in Bitcoin ay tahay nooc khamaar “Gambling” maadaama ay sahlan tahay kororka sicirkeeda iyo hoos u dhaceedu, sheekha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dooday in dhawaan ay Bitcoin sababi doonto dhaqaale burbur xoogan oo dunidoo dhan saameeya.
  • Sheekh Cali Muxiyadin Al- Qaradaghi oo ah Gudoomiyaha dalada caalamiga ah ee ay ku midaysan yihin culimada Islaamka ayaa cadeeyey in Bitcoin ay tahay Xaaraam qof kasta oo Muslim ah oo aan ku hawlanayn arintaas ayuu sheekhu uga digay in ay galaan halka kuwa ku hawlana uu cadeeyey in ay ka toobad keenaan Alle waynana usoo laabtaan ayna leeyihiin Raasu maalkii ay ku bilaabeen halka wixii intaas ka dheeri ahna ay tahay waajib saaran in ay sadaqeeyaan dibna aysan ugu laaban ku tacaamulka Bitcoin. Sheekha ayaa culimada Muslimiinta ka codsaday in ay arintaan ka yeeshaan kulan si ay uga soo saaraan bayaan iyo mawqif ay u dhan yihiin
  • Waxaa jira Culimo badan oo la waydiiyey hadii Bitcoin ay tahay Xaaraam ama Xalaal balse culimada ayaa uga qaabsatay in ay ku talinayaan in laga dheeraado maalgashiga iyo ku tacaamulka Bitcoin maadama ay tahay arin Shaki ku jiro Xalaalnimadeeda.
Hadaba waxaa xusid mudan in Diinteena Islaamku ay qofka Muslimka ah ku amartay in uu isaga tago wixii shaki ku jiro oo uu u weecdo wixii aan shaki ku jirin. Waxaa jira axaadiis iyo aayado tilmaamaya in Qofka Muslimka ah uusan ku degdegin arin ama mas’alo Iskhaal ama khilaaf ku jiro oo Xalaaalnimadeeedu aysan cadayn.
Bitcoin waa arin ku cusub caalamka Islaamka si guud gaar ahaan Umada Soomaaliyeed oo haatan ku jirta marxaladihii u horeeyey ee soo ifbaxa Bitcoin, Culimada Soomaaliyeed wali si wacan oo xeel dheer arintaan ugama hadlin waxaana six ad dhaafa usoo kordhaya dhalinyarada ku tacaamulaysa Bitcoin.
Waxaan kugula talin lahaa walaal inta aan lagugu qancin in aad gacansiga Bitcoin fadlan samee cilmi baaris, ogoowna waxa uu sharcigu ka qaba waa arin ay fududahay in aad ka taxadartid halkii aad gadaal ka shalaayi lahayd.


Tixraac:
  1. Wikipedia, Bitcoin
  2. PBS News Hour, This is how Bitcoin works
  3. Investopedia, How Bitcoin works
  4. The Market Oracle, The Main Characteristics Of Bitcoin
  5. Cointelegraph, What is Bitcoin? History, characteristics, pros and cons
  6. 99Bitcoins, List of Countries That Have Banned Bitcoin! From List of Countries That Have Banned Bitcoin! https://99bitcoins.com/list-countries-banned-bitcoin/
  7. Assim Al Hakeem, Is bitcoin halal in Islamic point
  8. Sheikh Imran Hosein, Bitcoin is Haram: Why?
  9. حكم استخدام عملة البيتكوين ,علي القرة داغي
  10. العملات الرقمية (البتكوين) ,عمر عبد الكافي
waxaa qoray 
Daud Dahir Hassan, MBA — Islamic Banking

June 03, 2018

June 02, 2018

Wiil iyo Aabihiis oo lagu dilay Gaalkacyo iyo Ninkii dilka geestay oo la qabtay

Wiil iyo Aabihiis oo lagu dilay Gaalkacyo iyo Ninkii dilka geestay oo la qabtay

Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegay in Askari horay uga tirsanaa ciidamada Puntland uu toogasho ku dilay Wiil iyo Aabihii.
Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee dowlad gobolleedka Puntland Maxamed Yaasiin Axmed ayaa shegay in Askarigan oo horay loogu ruqseeyay ciidamada uu rasaas ku furay dad ku sugnaa hoteel ku yaala Gaalkacyo, halkaasoo uu dilay Wiilka iyo Aabihii.
‘’Ninkan xanuun dhinaca maskaxda ah ayuu qabay horay ayaa ciidamada looga ruqseeyay Qoriggii uu sitayna waa laga qaaday, waxaan baareynaa hadda Qoriggan danbe ee uu dadka ku dilay halka uu ka keenay’’ ayuu yiri guddoomiyaha.
Ma jirto cid kale oo la sheegay in ay wax ku noqotay rasaasta, waxaana wararku intaa ku darayaan in gacanta lagu dhigay shaqsigan toogashada geystay.

May 31, 2018

DEGDEG: Zinedine Zidane oo isaga tagay Real Madrid Maalmo kadib Ku Guuleysigiisa Champions League.

DEGDEG: Zinedine Zidane oo isaga tagay Real Madrid Maalmo kadib Ku Guuleysigiisa Champions League.


Dhacdo aysan cid rajo ka qabin, sheeko ay tahay inuu aamino qof la socday xaaladaha ugu dambeeya ee kubadda cagta ayaa xaqiiqo noqotay iyadoo Zinedine Zidane uu gabi ahaanba go’aansaday inuu isaga tago Real Madrid.
Zidane oo noqday macalinka kaliya ee ku guuleystay saddex jeer oo xiriir ah koobka UEFA CHampions League tan iyo markii magacaan loo bixiyay ayaa subaxnimadii arbacada aheyd gaaray go’aankaan isagoo ku wargaliyay Florentino Perez.
Sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha kooxda Florentino Perez, ninka reer France isaga ayaa go’aansaday inuu isaga baxo garoonka Santiago Bernabeu maalmo kadib markii uu kooxda u qaaday koobkii1 3-aad ee Champions League.
“Waan jeclahay kooxda, waan jeclahay madaxweynaha, wuxuu i siiyay fursad ka ciyaartoy ahaan iyo ka maamul ahaan aad baan ugu mahadinayaa” ayuu yiri Zidane oo ka hadlay shirka jaraa’id ee maanta.
“Balse waa inaan badalnaa” ayuu yiri Zizou.
Dhanka kale Florentino Perez wuxuu saxaafadda horteeda ka qiray inuusan jecleysan go’aanka uu gaaray Zidane balse ay aheyd go’aankiisii ugu dambeeyay.
Zidane waa iska casilay xilka tababaranimo ee Madrid.

May 30, 2018

Madaxwaynaha Puntland Oo Kala Diray Golaha Deegaanka Degmada Qandala Iyo Sababta.

Madaxwaynaha Puntland Oo Kala Diray Golaha Deegaanka Degmada Qandala Iyo Sababta.


Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu ku saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qandala oo katirsan gobolka Bari .

Xeer Madaxweyne oo lanbarkiisu ahaa  Lr. 62 23 May kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa u qornaaa sidatan 


Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgaliyey:Talo soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.


Markay caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday.

Wuxuu xeeriyey.

1. Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Qandala.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND. 



Maqaal : Dagaalka daahsoon ee daljoog iyo dibedjoog

Maqaal : Dagaalka daahsoon ee daljoog iyo dibedjoog

Dabayaaqadii Sideetamaadkii Dalka waxaa ka bilowday ururro Siyaasadeed qabiileysan oo dhammaantood kawada shanqaraysay magaca (S) (ururka….Soomaaliyeed..) doodooduna ku salaysneyd in dalku isbedel u baahanyahay iyaguna yihiin cidda mudan,waloow dhammaantood aysan ka marneyn gacmo shisheeye.Ujeedooyin kastaa halahaadeen ururadaase xeeldheerayaashu waxay ku sababeeyaan samaysankoodii:
1-Waddanka oo lahaa hal xisbi(One Party rule)
2-Bur-burkii Hanti wadaag  iyo sare u kicii hanti goosad
3-Dowladdii dhexe oo sii wiiqantay xag siyaasadeed iyo xag dhaqaaleba
Qodobadaas dhan markay is biirsadeen waxay sababtay in ay dowladdii dhexe kabaxdo meesha,dalkana la wareegaan jabhadihii hubaysnaa ee kala hadafka ahaa taasna ugu danbeyntii dhaxalsiisay ummadda soomaaliyeed dowlad la,aan,27 sano ah.
Intaas kadib dadkii soomaaliyeed waxay u qeybsameen labo qeybdood:
B-In dibadahaas u firxatay
T-In dalka ku hartay dan kastaaba ha reebtee
1-Dibad jog:
Haddaba sanadihii u danbeeyay waxaa dalka kusoo badanaya soolaabashada dadkeenii dibadda aaday,ayagoona layimid fikrado,aqoon,iyo maalgashi oo runtii wax badan kabadashay dalka guud ahaan shaqooyin badanna u abuuray dhalinyarada soomaaliyeed.
Waxaa Intaas u weheliyay waxay si toos ah ula wareegeen xukunkii dalka heer dowlad dhexe ilaa dowladihii hoose,maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir.
Tusaalle gaaban haddan soo qaato magaalada xamar caasimadda dalka ah laga soo bilaabo madaxweyne ilaa guddoomiye degmo waa dibad jog haddan si kale u dhigo halbeeggii shaqaaleysiinta iyo magacaabidda dowladdu wuxuu si toos ah u noqday waddankee ka timid? Baasaboorkee wadataa? iyo Waxaan isla ahayn reer (UK,USA,CANADA…IWM.).
Halbeegyadaas waxaa dheer qeybo kamid ah dadkaas loo dhiibay masuuliyadahaas kala duwan umalahan aqoon iyo waayo aragnimo ay ku hantaan shaqooyinkaas,Intaas waxaa sii dheer qeybo kamid ah tixgelin gaar ah uma hayaan mana siiyaan ummadda dhaqankeeda,qiyamkeeda iyo akhlaaqdeeda ee waxay iska doon doonaan badanaana ku saleeyaan go,aamadooda “meeshan ka imid sidaas baa la yeeli jiray” hadduu rabo go,aankaas ha ahaado mid Diin ah e.
2-Daljoog:
Qeybta labaad waa daljoog in badan waxay usoo samreen dhibaatooyinkii dalka soomaray,waxay wax kusoo barteen,kusoo ganacsadeen,kuna soo dhaqmeen duruufahaas  ad-adag e qof kastaa oo soomaali ah ka dheragsanyahay.
Intaas waxaa soo qalin jabinaayay ardo heerarka kala duwan ee waxbarasho ha ahaato dugsiyo dhexe,sare iyo jaamacado gudaha ah.Qeyba kallena waxay waxbarasho sare u aadeen wadamo ku kala yaala qaaradaha  Africa iyo Asia:
Africa: 1 – Kenya, 2 – Uganda, 3 – Itoobiya, 4 – Sudan…..Iwm.
Asia: – Pakistan, 2 – Hindiya , 3 – Bangladesh, 4 – Malaysia, 5 – Thailand, 6 – Yemen, 7 -Turkey…iwm.
Wadamadaas kala duwan ardayda dal joogta ah waxay kusoo kala diyaarsheen culuumta kala duwan iyo heerar kooda kala duwan laga soo bilaabo shahaadada 1aad ee  Bachelor ta ilaa PhD.
Xisbiga talada dalka haya ee Dibadjog tixgalin masiinin ardaydaas ee sidaan kor kusoo sheegayba wuxuu doorbidaa Baasaboor,iyo waddankaas baa isla joognay.
Haddaba ujeedka qoraalkayga wuxuu kusaleysanyahay waxaa aad usoo badanaya sanadahaan shaqo la,aanta dhalinyarada dalka joogtay,ayagoo aqoon iyo waayo aragnimoba u leh howlahaas,waliba waxay la dheeryihiin waayo aragnimada dalka ayagoo si hoose u og dareemayana  waaqiciga dhabta ah ee ummadda.
Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Kheyre khudbooyinkoodu musharaxnimada iyo balanqaadyadoodii biloowgii markii xaafiisyada qabanayeen in badan oo kamid ah ardayda wadamadaas aan soo sheegay wax kusoo bartay dib ayay dalka oogu soo laabteen,waxayna badaleen niyaddoodii ahayd dibad sii aad iyo tahriib,waxayna meel iska dhigeen quustii  ay ka qabeen dalkooda,mana jirto ilaa hadda isbedel weyn ay helaan shaqaaleysiinta dowladda.
Talo soojeedin:
1-Madaxweyne Farmaajo
2-Raysalwsaare Kheyre
3-Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha
4-Gobolka banaadir iyo Maamul goboleedyada.
Waxaan ku talin lahaa sidan:
B-In dib u eegis lagu sameeyo qaabka shaqaaleysiinta shaqaalaha dowladda
T-In halbeegyadaas sharciga silloon noqday la laalo si daah furnaan ahna loogu tartamo shaqooyinka dowladda.
J-In guddiga shaqaalaha rayidka ah la tayeeyo
X-In lasameeyo guddi ladagaalanka musuq maasuqa si looga hor tago nin dooran doorta.
Kh-In laxaqiijiyo xuquuqda qofka muwaadinka ah uu u leeyahay qabasho jago ama shaqo si sinnaan ah oo aan lookala saarin dibad joog iyo waa daljoog toona.
D-In il gaar ah lagu hayyo shaqooyinka ay qaban karaan muwaadiniinta soomaaliyeed  ay hayyaan ajaanibta joogta dalka Sida(Xalane,xarumaha UN ka Safaaradaha,Amisom  iyo Hotelladda).
R-In dowladda dhexe ay latimaado siyaasad cad oo ku wajahan shaqaaleysiinta muwaaadinka soomaaliyeed,diidona dowlahada lacagaha baxsha shuruudna ooga dhiga in lagu shaqaaleysiiyo oo kaliya dadka dalkooda kasoo laabta.
Haddaysan intaas suurtoobin waxaa dhici doonta:
1-In qofkastaa oo dhalinyaro ah dadaal u galo tahriibna ha ahaate soo hellidda baasaboor ajaanib ah waddankana sidaas lagu cidleeyo.
2-Inuu dhaco dagaal hor leh oo kusalaysan kooxeysi (dibadjog Vs.Daljoog).
F.G: Qoraalkaan waxaa igu dhaliyay kadib Daraasad dheer aan sameeyay ayaan ogaaday dhammaan culays yadaas aan kor kusoo sheegay,go,aan sadayna inaan idiinla wadaago kuna daabaco baraha bulshada, si uu u gaaro codka dhalinyarada soomaaliyeed ee shaqadoonka ah masuuliyiinta dowladda iyo cidda ay quseysoba.…Wabillahi Towfiiq…
W/D:Faarax Cabdi Cismaan (BBA,MBA Holder)1-Cilmi baare dhanka Arrimaha bulshada,iyo Ganacsiga2-Bare Jaamacadeed.Faaraxcismaan@gmail.comMuqdisho, Soomaaliya.
Imaaraadka oo u yeertay Madaxweynaha Hirshabeelle isagoo cidna la socon

Imaaraadka oo u yeertay Madaxweynaha Hirshabeelle isagoo cidna la socon


Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu wadaa in dhawaan uu gaaro magaalada Abu-Dubai ee dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta kadib markii casuumaad uu ka helay madaxda dalkaasi oo maalmihii lasoo dhaafay xiriir hoose u socday.

Madaxweyne Waare oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta Kenya ayaa lagu wadaa inuu dhawaan u baxo Imaaraadka sida ay noo xaqijiyeen Saraakiil ka tirsan Hirshabeelle.

Wasiirka Amniga Hirshabeelle iyo Labo qof oo Xoghayn iyo Kaaliye u ahaa ayaa shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaana Nairobi ku soo haray Madaxweyne Waare oo kaliya kaas oo dhawaan ka sii bixi doono.

Wararka sheegaya In Imaaraadka Madaxweynaha Hirshabeelle ka dalbadeen inuu Yimaado Abu-Dubai iyadoo aan qofna la socon arintaasna uu aqbalay Madaxweyne Waare.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa raaci doono wadadii ay mareen Madaxweynayaashii kale ee Maamul Gobaleedyada ee ku aadan go’aankii laga qaatay Khilaafka Khaliijka.


IN KABADAN 150 DHALINYARO SOOMAALIYEED OO KU XIRNAA LIIBIYA OO MUQDISHO LAGU SOO CILIYAY

IN KABADAN 150 DHALINYARO SOOMAALIYEED OO KU XIRNAA LIIBIYA OO MUQDISHO LAGU SOO CILIYAY


Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay maanta dalka dib ugu soo ciliso 151 muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo dhowrsano ahaa ku xirnaa xabsiyada ku yaala dalka Liibiya.
Dhalinyaradaan ayaa ahaa kuwo u tahriibayay dalalka qaarada Yurub ayaa lagu xiray xabsiyada ku yaala dalka Liibiya.
Masuuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa soo dhoweyayn ugu sameeyay garoonka Muqdisho dhalinyaradaan.
Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Cali Siciid Fiqi oo garoonka diyaaradaha kula hadlayay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay dhalinyaradaasi saaka la soo dejiyay.
“Een muddo 15 maalmood ah oo aan wadnay dadaal anaga iyo safaaradda Liibiya,waxaa lagu guuleystay in aan diwaangelino ilaa 300 oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ku dhibaataysanaa xabsi kuyaala magaalada Triboli ee dalka Libiya,waxaan ku guuleysanay in 151 oo kamid ah dhalinyaradaasi aan saaka soo dejino, runtii waa guul ay soo haysay dowladda Soomaaliya,waad arkaysaan dhalinyaradana sida farxaddu ay uga muuqato in dalkoodi hooyo ay ku soo laabtaan”.
 Dowlada Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah ku bixineeysay sidii dalkooda hooyo loogu soo cilin lahaa dhalinyaro badan oo ku dhibaateeysan xabsiyada dalalka caalamka.