Booqashooyinka Shabakada Baargaal.net oo 100 ,000 Kun oo Booqasho kor u Dhaafay

qaybtii labaad : Sawiradii Shaqadii Kaluumaysiga oo dib u soo laabatay

0 التعليقات

Qaybtii labaad ee sawiro laga soo qaaday , Marsada raas binna oo katirsan Degmada Baargaal , oo shaqadu ka socoto , doonyihii oo libaaxa iyo kaluunka ka miisaamaaya saxiimadaha , 








“Qolooyinka reer Baargaal oo intaa ku haya waxba nalooma qaban waxaan u sheegayaa mashaariic fara badan baa idiin soo socota”

0 التعليقات

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo khudbad dheer ka jeediyey xarunta madaxtooyada magaalada Boosaaso Ayaa qirtay in Maamulkiisa aanay ku qanacsaneyn Reer Bari

Xaflad Balaaran oo loo qabtay sanad guuradii sadexaad intuu xilka madaxwaynaha puntland qabtay , ayuu madaxwayne Faroole  sheegay in mudadii uu jiray maamulkiisa uu xooga saaray amaanka gaar ahaan wax ka qabashada Al-Shabaab iyo kooxaha burcad badeeda oo iyaguna uu sheegay inay dhibaato badan ku hayaan maamulkiisa.

Waxaan idiin sheegayaa dadka reer Puntland-now saddexdii sano ee halkan joognay wax badan ayaan qabanay ILLAAH haddii laga baqo. Way jiraan in wax badan dhiman yihiin caqabadana waa jiraan naga hor yimid

Tabashada dadka Madaxweynaha Puntland wuxuu si aan ka leexad lahayn u qiray in dhaliilo badan loo soo jeediyey maamulkiisa gaar ahaan waxqabadka gudaha. “Inkastoo ay jiraan dhaliilo fara badan haddana dadka reer Puntland-now waxaan idiin sheegayaa inaan dadaalnay oo aan qabanay intii karaankeena” ayuu yiri Faroole.

Wuxuu sheegay in cqabado badan ay hortaagan yihiin maamulka, hase yeeshee aysan ahayn in maamulka oo kaliya lagu haleeyo inuu wax walba qabto. “Qolooyinka reer Baargaal oo intaa ku haya waxba nalooma qaban waxaan u sheegayaa mashaariic fara badan baa idiin soo socota”

Dhaliisha reer Bari Madaxweyne Faroole wuxuu ku dhaliilay dadka ku nool gobolka Bari gaar ahaan “reer Boosaaso” inaysan ku buraarugsaneyn waxqabadka maamulkiisa isagoo ugu baaqay inay iska daayaan hadalada meelaha lagu wadwado ee ay maamulkiisa taageeraan.

waxuu kale oo faroole ka hadlay khudbadiisii shirkada Saracen International oo Puntland kula heshiisay dhanka amniga iyo tababarka ciidamada badda  oo la xayiray kadib markii dacwado laga geeyay dibada , alshabaab , iyo khilaafka madaxda  FKMG iyo khilaafka baarlamaanka


Shabakada Baargaal.net
baargaal@gmail.com

Dowladda Kenya oo ku dhawaaqday hadal layaab leh oo aan horey looga maqlin oo ku aadan Al Shabaab?

0 التعليقات

Dowladda Kenya oo dagaalo xoogan kula jirta Xoogaga Shabaab, ayaa waxay shaaca ka qaaday hadal aanu horey looga maqal, ayna sidoo kale weli soo hadal-qaadin Xarakada A Shabaab.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaanshaandhiga ee Dowladda Kenya oo lagu magacaabo Cyrus Oguna , oo ka hadlaayay khasaaraha xoogan ee ay u geysteen Xarakada Al Shabaab, tan iyo markii Ciidamadda Dowladda Kenya ay gudaha u soo galleen dalka Soomaaliya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Al Shabaab ay ku dhex dhuumanayaan dadka qaxootiga ah.
“Ciidaadeena diyaaradaha dagaalada wada waxay ogyihiin in marka ay duqeymaha ka geysanayaan goobaha ay jooggaan Al Shabaab, inay ku soo dhex dhuutaan meelaha ay deggan yihiin dadka barakacayaasha ah, si’aysan wax-yeelo uga soo gaarin duqeymaha lala beegsanaayo” ayuu yiri Cyrus Oguna.
“Diyaaradaha dagaalada ee Kenya ma-duqeynayaan goobaha ay deggan yihiin dadka barakacayaasha ah, laakiin Al Shabaab waxaa idin sheegayaa inay soo wajahday cabsi xoogan, oo hadda waxayba marayaan inay ku dhex dhuuntaan dadka shacabka ah” ayuu markale yiri Cyrus Oguna.
Sidoo kale wuxuu ku faanay in Xarakada Al Shabaab ay ka dilleen ilaa 7,00 oo dagaal-yahano ah, tan iyo markii Ciidadamadda Dowladda kenya ay gudaha u soo galleen Gobolada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.
Cyrus Oguna ayaa wuxuu ku hanjabay inay sii wadi doonaan dagaalada iyo duqeymaha xoogan ay ku hayaan Xarakada Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray inaysan marnaba joojin dagaalada hawl-gallada ay dalka Soomaaliya uga sifeynayaan Al Shabaab, sida uu yiri.

Shaqadii kaluumaysatada Degaanka oo dib u soo bilaabatay (Sawiro )

0 التعليقات

waxaa degaanka dib u soo noqday dhaqdhaqaaqii shaqo , kadib xili dabaylaad socday muddo laba bilood ah ,saxiimalaydii iyo baxridii bada ka shaqysan jirtay ayaa ayaguna si firfircooni ku jirto aaladoodii bada u jiiday 
daawo sawiro laga soo qaaday  doonyaha oo kaluunka miisaamaaya .



Shabakada Baargaal.net
Isha wararka Horumarka Degaanka Calbari 

Go'aamadii kasoo Baxay Shirkii Nabadaynta Taageer

0 التعليقات

Taariikhdu marka ay ahayd 27/12/2011 ayaa beelo walaalo ah waxaa ku Dhexmaray Tuulada  Taageer  Iska Hor imaad beelahaas oo ah kuwo wada degan Tuulada Taageer oo kala ah :


  1. Beesha Ismaaciil saleebaan
  2. Beesha Aadan C/raxmaan
Iyadoo ay jirin Cid waxyeelo ku soo gaartay iska horimaad kaas
Waxaana Magaalooyin badan uga soo gurmaday guurti fara badan

Kadib markii guurtidaasi u fariisteen xalinta arintaas waxaa laga gaaray heshiis nabadeed labada dhinacba , waxayna ku heshiiyeen arimaha hoos ku qoran :


1.      In amaanka guud uu yahay Muqadas Loona wada ilaaliyo si wadajir ah
2.      Qofkii dhigta isbaaro aysan guurtida magaaladu ogayn wuxuu mutaysanaayaa             Ginaax   dhan $ 1000 (kun Dollar )
3.      Deegaanka taageer qofkii gaari ka afduuba wuxuu mutaysanaayaa Ginaax dhan  $ 3000 (sadex kun oo Dollar )
4.      Cidii duulaan ka qaadda magaalada ama Ku soo qaadda waxay mudanaayaan Ginaax dhan $ 10,000 (Toban kun oo Dollar )
5.      Qofkii Dhulka dadka kale ka sheegta oo aan wanaag ula jeedin sida xaaluf ka joojinta wuxuu mutaysanaayaa Ginaax Dhaan  $ 1000 ( kun Dollar )
6.      Qofkii magaalada dhexdeeda karida xabad bilaa macne ah oo bulshada argagax galinaysa wuxuu mudanaayaa Ginaax Dhan   $ 100 ( Boqol Dollar )
7.      Qofkii Xabad ku rida qof kale  si ula kac ah wuxuu mudanaayaa Ginaax  dhan $ 500 (Shan boqol oo Dollar )
8.                  Dhagax tuurka magaalada dhexdeeda cidii lagu helo waxay mudanaysaa Ginaax dhan $ 50 (konton Dollar )
9.                  Ginaaxaasi qofkuu qabsado waxaa laga rabaa isaga iyo jifidiisa wuxuuna dhaqan galaayaa  4 /1/2012

Waxaa kaloo lagu heshiiyay wixii xeer beeg ah ee degaanku lahaa inay ahaato sideedii





Saxiixayaal :

Sheekh Ciise Muuse Shirwac  (Gudoomiye )
Sheekh warsame yuusuf axmed
Yuusuf Cismaan Cali
Kaatun Nuur Axmed
Maxamed Xasan Axmed  ( kulusow)
Cali Axmed Cali (Kolon)
Axmed saalax (Faange)
Maxamuud Caynab Muuse
Saalax Cumar Samatar
Nuur M. xuseen
Cabdi Geelle Nuur
Samatar Siciid Jaamac
Siciid Axmed Jaamac
Siciid M. Axmed
Diraac Cali Cumar
Rooble Dhuxul Cismaan





                                       Wabilaahi Tawfiiq 

TALEEX : M.kuxigeenka PL oo walaalkiis iyo Wiil uu Adeer u yahay oo la dilay

0 التعليقات

Taleex:-Waxaa magaalada Taleex lagu dilay 2 qof oo midkood ay walalo yihiin M-waynekuxigeenka Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire oo lagu magacaabi jiray Sumini Cali Shire iyo Wiil uu Adeer u yahay oo lagu magacaabi jiray ina Saalax Cali Shire waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in ay dilkooda kadambeeyeen kooxo isla deegaanka ah.

Sumini Cali Shire oo ay walalo ahaayeen M-waynekuxigeenka Puntland ayaa waxa uu kamid ahaa ganacsatada magaalada Garoowe oo uu daganaa waxaana la sheegay in uu magaalada Taleex uu ka waday mashaariic dhanka horumarinta ah.

Taleex, ayaa waxaa la filayay in uu ka furmo shir-beeleed beesha Dhulbahante oo loogu magacdaray Khaatumo 2, balse dilkan ayaa waxa uu u muuqdaa mid sii kala fogaynaya beesha deegaanka oo muddo dheer khilaaf dhanka maamulada Puntland iy Somaliland uu ka dhex aloosnaa.


Shabkada Baargaal.net
Baargaal@gmail.com

Wasaaradda Haweenka oo Lacag ugu deeqday dadkii ku hanti beelay dabkii Bosaaso

0 التعليقات

Wasaaradda Haween iyo Arimaha Qoyska Dawlada Puntland ayaa Si rasmiya ugu dhawaaqday inay 100,000,000 (Boqol Maliyan oo Shilin Somali ah) ugu deeqday dadkii reer Puntland iyo Somaaliyeed ee wax ku noqday dabkii Khasaaraha faraha badan Dhaliyey ee kakacay suuqa Magaalada Bosaaso,

Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Arimaha qoyska Marwo Caasho Gelle Diiriye oo saxaafada kula hadlaysay Xarunta wasaaradda Haween ee Magaalada Garowe ayaa sheegtay in wasaaradeedu Boqol Milyan oo shilin Somali ah ugu deeqday dadkaasi la tiraan yeysan Dhibaatadii uu u Gaystay dabkii Naxdinta badnaa ee kakacay Suuqa weyn ee Magaalada Bosaaso waxayna hay’adaha kale ee dawlada ugu Baaqday inay talaabadas oo kale qaatan si loo gacan qabto Umada ay dhibaatadu ka soo gaadhay Masiibadaasi dabeed,

Marwo Caasho Geele diiriye waxay sheegtay inay lacagtan ay ugu deeqeen dadkii ku hanti beelay dabkii khasaaraha badnaa ay ka jareen Mushaarka Shaqaalaha wasaaradda halka qaar badan oo kamid ah shaqaalaha wasaaradu ay gabi ahaanba bixiyeen Mushaaradkoodii Bishan iyagoo ka duulaya dhiibatada qabsatay walaalohooda ay ku habsatay masiibada rabaaniga ahi,

Wasiirka wasaarada Haweenka ayaa sheegtay inay taageero kooban u tahay dadkii ku hanti beelay Masiibadii Dabka hase ahaate waxay baaq u jeedisay dhamaan wasaaradaha dawlada, Hay’adaha Caalamiga ah iyo Bulshada reer Puntland ee iyagu dadkaasi wax u awoodi kara ,

Sidoo kale wasiirka wasaaradda haweenka dawlada Puntland Marwo Caasha Geelle diiriye waxay dadweynaha reer Puntland iyo Guud ahaa kuwa somaaliyeed uga tacsiyeysay  allaha u naxariiste Dr Axmed Xaaji C/raxmaan oo kooxo Dhagar qabayaal ah ku dileen Gudaha Magaalada Bosaaso waxayna illaahay Marxuumka uga rajaysay Janadii inuu ka waraabiyo.

Isku soo wada duubo Deeqda ay wasaaradda Haweenka iyo Arimaha qoysku ugu deeqday Dadka ku hanti beelay dabkii xoogana ee kakacay suuqa magaalada Bosaaso ayaa la filaya inay wax un u dabooli Doonto ay Gacan qabasho intaa ka sii badan u baahan yahay hadana waxaa la oran karaa waa Wado ku dayasho mudan oo ay qaaday wasaaradda Haweenka waana Hay’adii ama Xitaa cidii ugu horaysay ee wax ugu deeqda umadda Somaaliyeed ee ku hanti beeshay Masiibadii Dabeed ee Magaalada Bosaaso.

Shabakada Baargaal.net

Dhawr nooc oo bariiska aynu cuno ka mida oo ay ku badan tahay maado kiimiko ah oo taranka wax u dhimaysa

0 التعليقات

Dadka dunnida ku nool ayaa badanaa bariisku u yahay cuntada muhiimka ah ee ay cunaan maalin walba, dadkaas waxaa ka mid dadka soomaalida oo maalin walba cuna bariiska. Haddaba waxaa jirta marka la beerayo bariiska in lagu shubo maadooyin kiimiko ah oo loo isticmaalo siyaabooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin in si degdeg ah u soo saaraan bariiska ama degdeg ugu soo baxo, ama ka ilaalisa cayayaanka. Laba maado oo kiimikada ahi waxay qabtaan in ay midi ka ilaaliso in uu wixii la beerayey ee bariiska ahaa uu qaayiso (xumaado) midna waa mid ka ilaaliska cayayaanka.

Haddaba maadooyinkaas kiimikada haddii xadigii ama qiyaastii loogu talo agalay in ka badan lagu shubo waxa ay keentaa halis caafimaad darro ah. Taas oo keenta in ay taranka qofka wax u dhinto, waxa kale oo ay keentaa in ilmaha uurka ku jira ay dhibaato caafimaad daro u keento. Bal haddaba sayt-ka (Home-page) iswidhisha oo tijaabiya ama test gareeya cuntooyinka oo magaciista la yidhaahdo Testfakta.se ayaa waxa uu daboolka ka qaaday in dhawr nooc oo bariiska ka mid ahi ay aad ugu badan tahay maadooyin kiimiko ah, oo aan caafimaadka u wanaagsanayn. Waxaan lagu soo baadhay dhawr-ka nooc ee bariiska ah shaybaadhka cuntada lagu baadho.
Bal haddaba aynu eegno noocyada ay kala yihiin bariiskaasi.
Sida aad sawirka ka arkaysaan waa toboda nooc oo kala ah:

1- Daavat
2- Eldorado
3- Euroshoshopper
4- Habib
5- Katos
6- Mahmood Sella
7- Shiva Sela
Haddaba bal mid mid aynu u gudo galno.
1- Daavat: maadadada kiimikada ee ku jirta waxa ay 3 goor ka badan tahay inta caadiga ah ee loogo talo galay.
2- Eldorado: Waxa yara saraysa maadada kiimikada ku jirta qaayiska la dagaalanta, kuma jirto maadada kiimika ah ee la dagaalanta cayayaanka
3- Euroshopper: qiyaasta/xadiga maadada kiimikada la dagaalanta cayayaanka ayaa ka saraysa inta loogu talo galay.
4- Habib: Waxaa aad ugu yara badan maadada la dagaalanka qaayiska (xumaado) kuma jirto maadada kiimikada ee la dagaalanka cayayaanka.
5- Katos: Waxaa aad ugu badan oo ku jirta maadada kiimikada ah ee ka hortaga qaayiska.
6- Mahmood Sella: Waxa aad iyo aad ugu badan maadada kiimika ah ee la dagaalanka cayayaanka.
7- Shiva Sela: Waxaa ku jira maadooyinka la dagaalanka/ka hortaga cayayaanka, waxaanay maadoouinkaas kiimikada ahi 4 goor ka sareeyaan inta caadiga ah ee loogu talo galay.
Waxa loo kala qaybiyey laba nooc
1- Kiimikada loo isticmaalo la dagaalanka/ka hortaga cayayaanka oo magacyadooda la yidhaahdo
Carbendazim (MBC) and benomyl
imidacloprid
Isoprotiolan
Pirimiphos-methyl
Propiconazol
Tricyclazol
* Measurement uncertainty is + / – 0.01 mg
2- Kiimmikada sunta ah ee la dagaalanta ama ka hortagta qaayiska oo magacooda la yidhaahdo
aflatoxin B1
Toboda nooc ee bariiska ah saddex ka mida waxaa saaran calaamada x oo midab casaana leh iyo kuwa ay saaran tahay calaamada / oo akhtara.
Halkan ka akhriso natiijada.
Waxaa ugu darnaa bariiska Shiva Sela, waxaa ku jirta maadada kiimikada ah, 4 goor in ka badan inta caadiga ah ee loogu tallo galay.
Halkan ka akhriso natiijada oo dhan!

Ergo Nabadeed oo ka Ambabaxday Boosaaso kuna Jeeda degmada Rako ee gobolka Karkaar

0 التعليقات

Ergo Nabadeed oo isugu jirta Odayaal, Nabadoono, Waxgarad iyo Culuma’udiin ayaa maanta ka ambabaxay gudaha magaalada Boosaaso, kuwaas oo ku wajahan degmada Rako oo ay ka dhaceen dagaal beeleed sababay khasaare ba’an.

Ergadaan oo u hoggaaminayo Beeldaaje Ismaacil Beeldaaje Yaasiin kana kooban 25-xubnood ayaa Saaka ka ambabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sidoo kale Ergada ayaa waxaa kamid ah Suldaan Cabdillaahi Soote, Nabadoon Ciise Axmed Ciise, Nabadoon Raage Maxamed Maxamuud, Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago iyo Xuseen Xaaji Samatar.

Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago oo Saxaafadda la hadlay intii aysan Boosaaso ka ambabixin ayaa sheegay in Socdaalkeedu yahay mid ay ku doonayaan in ku ay tagaan goobihii lagu dagaalamay ee degmada Rako si labada beeleed ee dirirtu dhexmartay u kala dhex-dhigaan gogol nabadeed.
Nabadoon Cabdiqaadir Ibraahim Xarago ayaa sidoo kale baaq u diray labada beelood ee Colaadu dhexmaratay,wuxuuna sheegay in si dhakhsi ah u joojiyaan dirirta,xabadjoojin labada dhinacba ay ku dhawaaqaan.

…..”Colaadda laba beelood maahan mid munaasib ku ah Puntland, waana mid ku haboon in sida ugu dhakhsiyaha badan lagu Joojiyo…”ayuu yiri Nabadoon Xargo.
Si kastaba ha ahaatee Colaada labada beelood ayaa waxaa ka dhashay khasaare isgu jirta naf iyo maala,waxaana soo baxaysa baaqyada
nabadeed ee loo dirayo labada dhinac.

Xigasho
Raxanreeb Radio

Fursad Inaad Wax ka barato Computer -Ka

2 التعليقات

Aduunka ayaa casrigan ku dhaisan technolojiyad horumarsan oo uu computerku asaas u yahay
halkaan waxaan idinku soo gudbin doonaa haduu eebe yiraahdo casharo  taxane ah oo ka hadlaaya barashada computerka si ay uga faa'iidaystaan ardayda jaamacada , hooyooyinka raba inay horumariyaan waxbarashadooda , iyo dhamaan qaybaha bulshada

Waxaan casharkeenna koowaad ee taxanaha barashada kumbiyuutarka ku soo qaadan doonnaa qodobbada soo socda:

Waa maxay kumbiyuutar? 
Taariikh kooban. 
Noocyada Kumbiyuutarka. 


Waa maxay kumbiyuutar?

Haddii aan adiga ku weydiinno, muxuu yahay waxa maskaxdaada ku soo dhacaya markaad maqasho ereyga kumbiyuutar? Waxaan filayaa inay jawaabtaadu noqonayso, waa aaladda aan hadda muraayaddeeda wax ka akhrinaayo ee xafiisyada iskuullda iyo guryahaba taalla loona isticmaalo keydinta qoraallada iyo akhbaaraha kala duwan.

Ma khaldana jawaabtaadu haddii aad sidaan u qiyaasay u fikirtay. Laakiin ereyga kumbiyuutar wuxuu xambaarsan yahay micne intaas ka ballaaran.
Waxaan maalin walba si joogta ah ula kulannaa adeegsiga farsamada kumbiyuutarka oo wajiyo kala duwan nagu soo marta isuguna jirta mid aan garanayno in ay farsamada kumbiyuutarku ka dambayso iyo mid aynaan garanayn intaba.
Farsamada kumbiyuutarku waxay afartankii sano ee ugu dambaysay door lixaad leh ku yeelatay dhammaan waxyaabaha naga soo gaaro warshadaha casriga ah. Waxay farsamadaasi ka mid noqotay waxyaabaha ay nolosha casriga ahi sida joogtada ah ugu baahan tahay ee ay ka mid yihiin korontada, taleefoonka iwm.

Waxaa laga yaabaa in marka aan lacag kala baxayno darbiyada (Bank automat) ama aan kaararka bangiyada wax ku iibsanayno aan garnayno ama aan tuhunsannahay in ay farsamadda kumbiyuutarku ka dambayso fulinta hawshaas. Laakiin marka aan taleefoon ka jawaabaynno ama aan isticmaalaynno mishiinnada dharka lagu dhaqdo ama aan fiidiyawga ku amraynno inuu noo duubo program TV-ga ka soo geli daana annagoo maqan, waxaa laga yaabaa in aynaan ka fikirayn inay farsamada kumbiyuutarku ka dambayso fulinta hawlahaas.

Dhammaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay waxaa fulintooda ka dambeeya nooc ka mid ah farsamada kumbiyuutarka oo ku dhex dhisan hadba aaladda aan markaas adeegsanayno. Sidaa darteed kumyuutarku wuu ka ballaaran yahay inta ka muuqatay jawaabtii aan ku soo marnay billowgii casharkan.

Haddii aan meel dhaw ka soo qabanno kumbiyuutar waxaa la oran karaa waa aalad kasta oo koronto ku shaqaysa islamarkaana maamuli karta waxa loo yaqaan DATA oo ah akhbaar si gaar ah loo nidaamiyay. Aaladdaas oo leh xusuus laguna hagi karo program.


Taariikh kooban

Kumbiyuutarkii ugu horreeyay waxaa la soo saaray sanadkii 1946, Waxaana la oran jiray ENIAC. Wuxuu ka koobnaa in ka badan 18 000 (Siddeed iyo toban kun) oo waayarro waaweyn ah. Sida aad qiyaasi karto kumbiyuutarkaasi aad ayuu u weynaa wuxuuna keligiis buuxin jiray guri weyn. Miisaankiisu wuxuu ahaa 30 tan oo u dhiganta ilaa 30 baabuur oo yar yar.

Kumbiyuutarkaas waxaa la isticmaalayay muddo toban sano ah laakiin haba weynaadee ma uusan qaban karin wax ka badan inta uu maanta qabto xisaabiyaha yar ee jeebka lagu qaato (calculator).
Sanadkii 1975 ayaa waxaa la soo saaray kumbiyuutarkii ugu horreeyay ee loogu tala galay isticmaalka guryaha iyo xafiisyada. Shirkadihii ugu horreeyay soo saaridda kumbiyuutarradaasna waxaa ka mid ahaa Apple, Commodore, Tandy, MITS iyo Atari.

Sanadkii 1981 ayaa shirkadda IBM oo caan ku ahayd kumbiyuutarrada waaweyn waxay soo saartay kumbiyuutarkeedii ugu horreeyay oo loogu tala galay inuu qofka caadiga ahi isticmaalo. Sanadkaas wixii ka dambeeyay wuxuu horumarka kumbiyuutarku ku socday xawli aad u dheereeya taasoo keenatay in ay kumbiyuutarrada maanta la isticmaalaa ka dheereeyaan, ka awood badan yihiin kana miisaan fudud yihiin isla markaana uu qiimahahoodu aad iyo aad uga jaban yahay kii ay IBM soo saartay 1981.

Shirkado fara badan oo adduunka ku kala baahsan ayaa qaatay qaabdhismeedkii IBM, taasoo keentay in kumbiyuutarrada noocaas u dhisani ay suuqa qabsadaan. Waxaa kumbiyuutarrada noocaas u dhisan loo yaqaannaa Personal Computers(PC), waxaana soo baxay noocyo fara badan oo wata magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: XT, AT, PS/2 iyo taxanaha 8086 oo ay ka mid yihiin kuwa loo yaqaan 286, 386, 486 iyo Pentium.

Noocyadaas waxaan si faahfaahsan uga hadli doonnaa casharradeena dambe.

Noocyada kumbiyuutarka


Kumbiyuutarka waxaa maanta loo qeybiyaa afar nooc oo kala ah:

Super Computers 
Big Computers 
Mini Computers 
Personal Computers 

    Super Computers iyo Big Computers

    Aad bay u waaweyn yihiin waxaana uu qiimahoodu gaarayaa malaayiin doollar. Noocayadaan waxaa isticmaala shirkadaha aadka u waaweyn, hey'adaha dawladaha iyo jaamacadaha waaweyn, waxayna hal mar fulin karaan hawlo fara badan mana aha wax lala yaabo in boqolaal qof ay isku mar hal kumbiyuutar u diraan shaqooyin kala duwan uuna isku wakhti ugu wada fuliyo hawlahooda oo dhan.
    Kumbiyuutarrada noocaan ah waxaa ka shaqeeya dad si gaar ah loogu tababaray oo la yiraahdo operators. Waxay kaloo u baahan yihiin xannaano gaar ah oo ah xagga cimilada taasoo micnaheedu yahay in laga ilaaliyo kulaylka iyo qabowga badan labaddaba.

    Mini Computers

    Mini Computers waxay la dhismo yihiin labada nooc ee hore laakiin wey ka baaxad yar yihiin. Waxaana loo isticmaalaa hawlaha warshadaha sida xisaabinta iyo hagidda hawl qabadkooda. Sida badan waxay isku mar qaban karaan ilaa konton arrimood.
    Noocaani labada nooc ee hore wuu uga adkaysi badan yahay xagga cimilada umana baahna operator joogto ah.

    Personal Computers (PC)


    Noocani waa nooca ugu yar inta badanna laga isticmaalo xafiisyada, iskoollada iyo guryahaba. Noocaan oo loo soo gaabiyo PC aad buu u yar yahay marka loo eego kuwii aan horay uga soo hadalnay, waxaa loogu tala galay in la saaro miis dushiis, iwm.
    PC waa nooca ugu badan xagga soo saaridda uguna jaban xagga qiimaha. Noocaan waxaa markii hore loogu tala galay in qofka isticmaalyaa uu markiiba isticmaalo hal program haddase waxaa caadi ah in la isku xiro kumbiyuutarro badan (Computer Network) halkaasna ay dad fara badani isku mar ku wada isticmaalaan hal program ama in ka badan.



    Recource : Somali Software
    Shabakada Baargaal.net
    baargaal@gmail.com

    Xagee Ku Taal Baargaal

    • Baargaal waa magaalo ku taal xeebta Badweynta Hindiya, gaar ahaan cirifka Woqooyi Bari ee Soomaaliya, waxay fogaan ahaan qiyaastii magaalada Boosaaso dhanka bari ka xigtaa 230km marka laga eego cabbirka khariidada. waxay kaloo qiyaastii 100km (60 miles) woqooyi ka xigtaa magaalada Xaafuun. Wax Badan ka Sii akhri Baargaal

    Recent Post

    BAARGAAL.NET © 2011 | Designed by RumahDijual, in collaboration with Online Casino, Uncharted 3 and MW3 Forum