Taliban oo heshiiskii u horeeyey ee caalami ah la gashay shirkadda CAPEIC

Taliban oo heshiiskii u horeeyey ee caalami ah la gashay shirkadda CAPEIC

Maamulka Taliban oo ka taliya Afghanistaan ayaa heshiiskoodii ugu horeeyay ee caalami ah la saxiixday shirkad Shiineys ah oo shidaal ka soo saareysa kaydka saliida ee waqooyiga dalkaas.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Taliban iyo safiirka Shiinaha u fadhiya Kabul, Wang Yu, ayaa goob joog ka ahaa xafladda saxiixa oo ka dhacday caasimadda Afgaanistaan, taasoo calaamad u ah heshiiskii ugu weynaa ee maalgashi shisheeye ee Afgaanistaan ay gasho ​​tan iyo markii kooxda Islaamiyiinta ay la wareegeen awoodda Ogosto 2021.

Wasiirka macdanta ee Taliban Shahabuddin Dilawar ayaa u sheegay in qandaraaska ay la galeen Xinjiang Central Asia Petroleum and Gas Co (CAPEIC) uu keeni doono 150 milyan oo doollar sanadkii si looga soo saaro saliidda webiga Amu.

“Heshiisku wuxuu daboolayaa dhul dhan 4,500 kiiloomitir oo laba jibaaran si wadajir ah waqooyiga Saripol, Jowzjan iyo Faryab, isaga oo u abuuraya fursado shaqo ku dhawaad 3,000 oo reer Afgaanistaan ah” ayuu yiri.

Dilawar wuxuu sheegay in maalgashiga Shiinaha la filayo inuu kordho oo gaaro $540 milyan saddex sano gudahood.

Safiirka Shiinaha ayaa bogaadiyay  saxiixa heshiiskan isagoo ku tilmaamay bilow wanaagsan oo lagu horumarinayo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Beijing iyo Kabul.

“Mashruuca saliidda ee Amu Darya [Webiga] waa mashruuc muhiim ah oo iskaashi wax ku ool ah oo u dhexeeya Shiinaha iyo Afgaanistaan,” Wang ayaa sidaas yidhi.

“Horumarka mashruucani wuxuu abuuray tusaale u ah iskaashiga Shiinaha iyo Afgaanistaan ee mashaariicda waaweyn ee tamarta iyo qaybaha kale,” ayuu yidhi.

Wang wuxuu ku booriyay shirkada Shiinaha inay “si adag u hoggaansamaan shuruucda Afghanistan” iyadoo fulinaysa mas’uuliyadeeda iyo waajibaadkeeda si waafaqsan qandaraaska.

“Isla mar ahaantaana, waxaan sidoo kale aaminsanahay oo aan rajeynayaa in dhinaca Afqaanistaan ​​ay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah si loo hubiyo habsami u socodka iyo amniga ee mashruuca, si kor loogu qaado kalsoonida maalgashadayaasha shisheeye si ay u horumariyaan ganacsigooda iyo Afgaanistaan.”ayuu yiri safiirka.

Shirkadda National Petroleum Corp oo ay leedahay dawladda Shiinaha ayaa heshiis la mid ah la saxiixday dawladdii hore ee Afgaanistaan ee uu Maraykanku taageerayo si ay saliid uga soo saaraan dooxada Amu Darya.

Wasiirka Daalibaan ayaa sheegay in saliida ceyriinka lagu farsameyn doono gudaha Afgaanistaan sida uu dhigayo heshiiska, isagoo soo jeediyay in shirkadda Shiinaha ay dalka ka dhiseyso warshad sifeyn ah.

Khayraadka Afgaanistaan ee aan weli laga faa’iidaysan waxa lagu qiyaasay in ka badan $1 trillion. Maalgashadayaasha ajnabiga ah ayaa muujiyay xiisaha ay u sahamiyaan iyaga laakiin tobanaan sano oo iskahorimaadyo ah oo ka dhacay koonfurta Aasiya ayaa niyad-jabiyay dadaalladaas.

Rabshadaha ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo markii Taalibaan ay la wareegeen dalka 16 bilood ka hor markii ay burburtay dowladdii xilligaasi taageerada ka heli jirtay Kabul, dhammaan ciidamadii caalamiga ahaa ee uu Mareykanka hoggaaminayayna ay isaga baxeen dalkaas kaddib ku dhawaad 20 sano oo dagaal ah.

Laakiin bulshada caalamku wali sharci uma siin xukuumadda Taalibaan walaacyada xuquuqul insaanka, gaar ahaan xaddidaaddooda ku aaddan helitaanka shaqada iyo waxbarashada haweenka Afgaanistaan.

Shiinuhu sidoo kale si rasmi ah uma aqoonsan Taliban, balse waxa uu wacad ku maray inuu taageero oo uu la shaqayn doono hogaamiyayaasha islaamiga ah horumarinta dhaqaalaha Afgaanistaan.



Developed by Jago Desain