Default Image

Months format

Show More Text

Load More

Related Posts Widget

Article Navigation

Contact Us Form

Close
  • Home
  • Menu
  • _Short Codes
  • _About us
  • Sitemap
  • Contact us

BAARGAAL.NET

News & Information From Somalia

  • Home
  • News In English
  • featured
  • Video
  • Technology
  • Sports
  • Food
  • Menu
  • _Sitemap
  • _Contact Us

Boqolaal qof oo ku dhimatay daadad ku dhuftay Bariga Liibiya

wararka caalamka   
Admin
September 12, 2023



Mas’uuliyiinta xukuumada bariga Liibiya, ayaa sheegay in ilaa 2,000 oo qof laga cabsi qabo inay dhinteen, kumanaan kalena la la’yahay.

Boqolaal qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen bariga Liibiya ka dib markii daadad xooggan oo ka dhashay duufaanta Daniel ay qaadeen dhammaan xaafado iyo guryo ku yaal magaalooyin badan oo xeebta saaran, iyadoo magaalada Derna “go’adoon tahay” ka dib markii ay jabsadeen laba biyo-xireen oo gaboobay.


Ilaa 2,000 oo qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha xukuumadda bariga Liibiya, Osama Hamad. Wuxuu intaas ku daray in kumannaan qof la la’yahay.


Axmed al-Mosmari oo ah afhayeenka ciidamada xoogga dalka ee fadhigoodu yahay bariga ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in tirada dhimashada ee Derna ay kor u dhaaftay 2,000 oo qof. Waxa uu sheegay in inta u dhaxaysa 5,000 ilaa 6,000 la sheegay in la la’yahay. Al-Mosmari ayaa musiibadan ku macneeyay in ay sabab u tahay burburka ku yimid labo biyo xireen oo ka ag dhawaa oo sababay fatahaad halis ah.


Madaxa Bisha Cas ee Benghazi, Kais Fhakeri, ayaa xaqiijiyay in duufaanta Daniel ay ku dishay ugu yaraan 150 qof magaalada Derna, ka dib markii heerka biyaha magaalada ay sare u kaceen ilaa saddex mitir.

Hawlgallada baadigoobka iyo samata bixinta ayaa noqon doona caqabad maadaama Libya ay weli u kala qaybsan tahay laba maamul oo iska soo horjeeda, mid bari iyo mid galbeed ah, oo mid walba uu taageero maleeshiyo iyo dawlado shisheeye.


Dhanka kale, Golaha Madaxtooyada Liibiya ee fadhigoodu yahay Tripoli ayaa ku dhawaaqay saddex qaybood oo ka mid ah gobolka bari inay yihiin aag musiibo daadad awgeed, waxayna codsadeen gargaar caalami ah.


wararka caalamka
Admin

wararka caalamka

Contact Form

Name

Email *

Message *

All Rights Reserved by BaargaalNet © 2023
Baargaal.Net is designed to provide reliable up to date news reports, studies and analysis on current issues and problems of concern to the local People encompassing political, social and cultural fields