Markab laga leeyahay Israel oo lagu weeraray Badweynta India

Markab laga leeyahay Israel oo lagu weeraray Badweynta India

Markabka CMA CGM Symi ayaa khasaare soo gaaray kadib markii lagu weeraray diyaarad nooca Drone-ka ah xili uu marayey biyaha caalamiga ah.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday Drone-ka noociisa yahay Shahed-136 oo ku qaraxay Markabka.

Wax dhaawac ah masoo gaarin shaqaalaha Markabka saarnaa marka laga reebo burbur ka dhashay qarax oo Markabka soo gaaray.

Weli ma jirto cid sheegatay weerarkan, balse waxaa la tuhunsan yahay kooxda Xuutiyiinta Yemen ama dowlada Iran.

Markabkan oo kasoo baxay dekada Jebel Ali ayaan hada la ogeyn meesha uu ku sugan yahay kadib markii la damiyey aalada lagala socdo goobta Markabka uu marayo.

Shirkadda Markabkan leh ayaa lagu magacaabaa Eastern Pacific Shipping oo uu leeyahay Maalqabeenka reer Israel, Idan Ofer.

Xuutiyiinta ayaa horey u qafaashay Markab uu leeyahay maalqabeen u dhashay Israel. Waxayna horey weeraro diyaarado Drone & gantaalo ku qaadeen Israel.

Developed by Jago Desain