Calanka cusub ee Minnesota oo aad ugu eg kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya.

Calanka cusub ee Minnesota oo aad ugu eg kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya. Miyaa la qaadan doonaa?

 


Gudi ka kooban 13 xubnood oo loo xilsaaray in ay ka shaqeeyaan soo saarista calanka cusub ee Gobolka Minnesota ayaa goaan ka gaaray nooca calanka cusub ee soo socda. Calanka cusub ayaa astaan u noqon doona gobolka waxaana ka dhex muuqan doona xidgta waqooyi ee sideed geesood ah. 


Guddi loo xilsaaray dib-u-qaabaynta astaamaha u taagan gobolka ayaa jimcihii go’aamiyay naqshadii ugu danbaysay iyaga oo meesha ka saaray labo naqshadood oo kale oo finaalka soo gaaray. Gudigaan ayaa qorshaynaya inay kulmaan usbuuca soo socda si ay uga fiirsadaan kala duwanaanshaha midabada iyo qaababka kama dambaysta ah iyagoo isku dayaya inay ka gaarsiiyaan Janaayo 1deeda oo ah, xiliga kama danbaysta ah ee loo qabtay in ay keenaan calan cusub.

 

Xubnaha gudigaan ayaa u riyaaqay in ay isku raaceen hal calan, iyaga oo qiray in qaar ka mid ah dadka reer Minnesota laga yaabo inaysan isla markiiba aqoonsan calanka cusub


“Waxaa xaqiiq ah in jiilka soo socda ay la korayaan calan cusub, ” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga Luis Fitch. “Ma awoodno inaan qof walba ka farxino. Waxaan ku dadaalay tan iyo maalitaan sahqada bilownay hubinta inaan [abuurno] calan na mideeya halkii aan keeni lahayn mid na qaybiya.”



Gudiga ayaa xal kama danbays ah ka gaaray shaabada rasmiga ah ee gobolka. Qabaa’ilada Hindida asalka ah ayaa aad u dhaleeceeyay shaabadii hore ee gobolka una arkayay in ay tahay mid ku dhisan midabtakoor. Shaabada cusub ayaa waxaa ka dhex muuqda boolo-boolo indho casaan ah leh oo dul taagan mid ka mid ah harooyiinka Minnesota oo ay ku hareeraysan yihiin geedaha sanuubar (Pine trees), Xiddigta Waqooyi iyo bariis-duureed. Sawirka boolo boolada korkeeda waxaaku qoran: “Mni Sóta Makoc̣e,” oo ah luqada Dakota micnaheeduna yahay “dhulka ay biyuhu muujinayaan cirka.”

Guddiga dib u habeynta calanka oo ka kooban 13 xubnood oo ay soo dhiseen sharci-dejintu kal-fadhigii hore, waxay haysteen afar bilood oo keliya iyo miisaaniyad dhan $35,000 si ay hawshooda ugu dhameeyaan. Waxay dadwaynaha Minnesota ka codsadeen in ay fikradooda ka dhiibtaan. Waxaa loo soo gudbiyay 2,600 oo calan. Guddiga ayaa liiskaas ku soo koobay lix calan, ka dibna saddex calan.


Dood dheer ka dib, gudiga ayaa go’aamiyay in calanka cusub ay ka muuqdo xidigta-waqooyi ee sideed geesoodka ah taas oo ka muuqan doonta golaha sharci-dejinta Minneota. Xaga qaabka calanka, waxaa soo jiitay nashqada qaabka gaarka ah ee Minnesota sababtoo ah waa mid la aqoonsan karo, iyagoo raacaya mabaadi’da naqshadaynta calamada.


Naqshada Andrew Prekker, oo 24, jir ah ayaa sameeyay Naqshada calanka la xushay walow oo isbedel aan badnayn lagu samayn doono.


Calamadii la diiday ayaa xuquuqda lahaanshaha dib loogu celiyay dadkii sameeyay. Sida sharciga ah, Gobolka ayaa iska leh xuquuqda wax walbo oo loo soo gudbiayay haseyeeshee, waxay tix galiyeen codsiga dadka qaar oo sheegay in ay doonayaan in ay siyaabo kale u isticmaalaan. Qaar ka mid ah calamadaas ayaa lagu naqshadeeyay funaanadaha la xirto. 


Calanka cusub ayaa ka baban doonaa State Capitolka maalinta xuska asaaskii Minneota guga soo socda hadii aynan golaha sharci dejinta diidin. 

Developed by Jago Desain